Waa Kee Xidigii Ugu Fiicnaa Todobaadkii Xalay La Soo Afmeeray 16ka Champions League Waxaa Shaacisay UEFA?

Waa Kee Xidigii Ugu Fiicnaa Todobaadkii Xalay La Soo Afmeeray 16ka Champions League Waxaa Shaacisay UEFA?
Xidhiidhka Kubada Cagta Yurub Ee UEFA Ayaa Qaban Doona Shir Looga Arinsan Doono Xanuunka Coronavirus?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska afarta ciyaartoy ee ku tartami doona noqoshada xiddigii ugu fiicnaa Champions League toddobaadkan oo lasoo af-meeray kulamadii wareega 16-ka afar kamid ah.

Afarta geesi ee kooxahooda soo guuleeyay ee tartamaya toddobaadkan ayaa kala ah Josip Ilicic oo wacdarro usoo dhigay Atlanta, Kabtanka RB Leipzig ee Marcel Sabitzer, Daafaca bidix ee Paris Saint-Germain ee Juan Bernat, iyo goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak oo kasoo hormaray geesigii labada gool u dhaliyay kooxdaas ee Marcos Llorente.

Aan ku bilawnee Sabitzer ayaa shabaqa ka soo taabtay Tottenham habeen hore laba jeer isagoo aan kaliya kulankaas kubadda u haynin kooxdiisa balse sidoo kale kala dhantaalay xiddigihii khadka dhexe ee uu soo xushay Jose Mourinho.

Dhinaca kale Juan Bernat ayaa hal gool usoo dhaliyay PSG kulankii ay xalay ka adkaadeen Borussia Dortmund isagoo loo doortay xiddigii kulankaas kaddib markii uu isku darsaday daafacasho bir ah iyo halis weerar.

Josip Ilicic ayaa ahaa gool dhaliyihii ugu sarreeyay toddobaadkan tartanka kaddib afar gool oo uu dhex dhigay shabaqa Valencia, Ilicic ayaa Atlanta oo ciyaaraysay kubadda xiisaha leh ee laga bartay kusoo jabiyay rekoodhkii Zlatan Ibrahimovic isagoo noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee hal habeen afar gool ka dhaliya CL.

Ugu dambayn, Goolhaye Jan Oblak ayaa sameeyay bandhig lagaga doorbido xiddigihii goolasha u dhaliyay Atletico Madrid, Oblak ayaa guud ahaan soo sameeyay 11 badbaado halka uu goolal cadaan ah ka badbaadiyay Wijnaldum, Chamberlain iyo Roberto Firmino.