Waa Kee Xidiga Ku Guulaystay Abaal Marinta Ciyaartoygii Ugu Fiicnaa Horyaalka PL Bishii La Soo Dhaafay.

Waa Kee Xidiga Ku Guulaystay Abaal Marinta Ciyaartoygii Ugu Fiicnaa Horyaalka PL Bishii La Soo Dhaafay.
Kulamada La Ciyaari Doono Maalmaha Jimcaha, Sabtida Iyo Axada Horyaalka Premier League Ayaa Mar Kale Baaqan Doona Dabaylaha Laga Cabsi Qabo Dartood?

Maamulka horyaalka Premier League ayaa shaaciyay xiddiga hantay abaalmarinta ciyaartoygii ugu fiicnaa horyaalkaas bishii hore ee January kadib markii tartamayaasha la shaaciyay Jimcihii hore.

Xiddigaha tartamayay ayaa kala ahaa Sergio Aguero, Alisson Becker, Jack Grealish, Jack Stephens, Jordan Henderson, Ayoze Perez iyo Abdoulaye Doucoure.

Aguero ayaa noqday xiddiga hantay abaalmarinta ee loogu coddeeyay inuu yahay guuleystihii bishaas kaddib rekoodho taariikhi ah oo uu soo jabiyay gudaha January.

Aguero ayaa lix gool soo dhaliyay bishaas hal goolna caawiye ka ahaa saddex kulan oo uu ciyaaray isaga oo jabiyay rekoodhka xiddiga ajaanib ah (Aan UK kasoo jeedin) ee ugu goolasha badan Premier League abid.

Guushan ayaa Aguero u ah midii toddobaad ee uu ku guuleysto abaalmarinta xiddiga bisha ee Premier League waxaana uu noqonayaa xiddiga abid ugu badan isaga oo dhaafay Steven Gerrard iyo Harry Kane oo uu min lix hore ula wadaagayay.