Waa Kee Macalinka Ku Guulaystay Abaal Marinta Macalinkii Ugu Fiicnaa Horyaalka PL Bishii La Soo Dhaafay.

Waa Kee Macalinka Ku Guulaystay Abaal Marinta Macalinkii Ugu Fiicnaa Horyaalka PL Bishii La Soo Dhaafay.
Waa Kee Macalinka Ku Guulaystay Abaal Marinta Macalinkii Ugu Fiicnaa Horyaalka PL Bishii La Soo Dhaafay.

Tababaraha kooxda Liverpool ayaa jabiyay rekoodhka tababaraha inta ugu badan ku guuleysta abaalmarinta macalinka bisha ee Premier League hal xilli ciyaareed gudihiisa ka dib markii uu noqday tababarihii ugu fiicnaa horyaalka bishii January.

Klopp ayaa loogu coddeeyay inuu markale noqday macalinka bisha waana markii shanaad ee uu gudaha xilli ciyaareedkan ku guuleysto isaga oo dhaafay rekoodhkii Pep Guardiola ee ahaa inuu afar jeer ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2017-18.

Klopp ayaa abaalmarintan hantay isaga oo ciyaartoydiisa uga mahad naqaya bil kale oo qurxoon oo ay soo qateen xilli ay guulahooda xidhiidhka ah 15 kulan gaadhsiiyeen.

Guulo uu kasoo hooyay kulamadii Manchester United iyo Tottenham ayaa ahaa kuwa ugu cad cad ee shan kulan oo ay soo guuleysteen Reds bishaas iyagoo 19 dhibcood hoggaanka uga qabtay Man City kahor intii aysan 22 dhibcood ka dhigin gudaha bishan February.

Image result for premier league in Klopp january 2020
Tababaraha kooxda Liverpool

Guud ahaan waa abaalmarintii siddeedaad ee uu kusoo guuleystay Klopp ee nooceedan ah isaga oo la bar-bareeyay Martin O’Neil iyo Harry Redknapp.

Kaliya saddexda tababare ee kala ah Alex Ferguson, Arsene Wenger iyo David Moyes ayaa ah tababarayaasha ku guuleystay in ka badan Klopp taariikhda horyaalka.

Macalinka reer Jarmal ayaa abaalmarintan ku garaacay dhigiisa Manchester City ee Pep Guardiola, Tababaraha Southampton ee Ralph Hasenhuttl iyo Nigel Pearson oo Watford hoggaamiya.