Waa Kee Ciyaartoyga Ka Tirsan Kooxda Man United Ee Shilka Gaadhi Galay Iyadoo Laga Dayrinaayo Xaaladiisa Caafimaad.

Goolhayaha kooxda Man United ee Sergio Romero ayaa galay shil baabuur oo halis ah xilli uu ku sii socday garoonka tababarka kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Sergio Romero galay shil baabuur oo halis ah kadib markii uu gaadhigii uu watay oo ah nooca loo yaqaano Lamborghini galay meel geedo ah oo wadadii uu marayay ah.

Inkasta oo la helay sawiro xasaasi ah oo shilka laga qabtay hadana Man United ayaa xaqiijisay in uu Romer ka baxay xaalada isaga oo ayna wax dhibaato ah gaadhin.

Goolhayaha ayaa si caadi ah tababarka ula qaatay xiddigaha ay isku kooxda yihiin kadib dhacdada isaga oo dhamaystay tababarka ay kooxdiisu isugu diyaarinayso kulanka Burnley.

Romero ayaa shilka galay xilli uu ku wajahnaa garoonka tababarka Man United waxana la arkay gaadhigiisa oo ku fadhiya lacag dhan 170 kun oo Gini oo si xun u bur-buray.