“Uma Malaynayo Sidaasi In Real Madrid Ay Dooni Lahayd Saxeexa Messi” Waxaa Yidhi Toni Kroos?

“Uma Malaynayo Sidaasi In Real Madrid Ay Dooni Lahayd Saxeexa Messi” Waxaa Yidhi Toni Kroos?
"Uma Malaynayo Sidaasi In Real Madrid Ay Dooni Lahayd Saxeexa Messi" Waxaa Yidhi Toni Kroos?

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Germany ee Toni Kroos ayaa ka hadlay haddiiba ay kooxdiisu damci lahayd inay la saxeexato kabtanka kooxda uu xifaaltanka ba’ani ka dhexeeyo ee Barcelona ee Lionel Messi.

Mustaqbalka Messi ayaa ahaa mid dhawaan shaki xoogani galay kaddib markii uu maamulka sarre ee Barcelona u diray warqada codsiga bixitaankiisa iyadoo xaaladu mar gaadhay heer ay cakirnayd.

Messi ayaa doonayay inuu qaab bilaash ah kaga tago Barcelona balse madaxda kooxdaas iyo kuwa horyaalka La Liga ayaa si xoogan uga soo horjeedsaday iyagoo sheegay in uu kaliya ku bixi karo in laga bixiyo lacagta 700 Milyan ee euro ah ee heshiiskiisa ku xidhan.

Kooxo badan ayaa doonayay saxeexa Messi waxaana ugu horreysay Manchester City oo la sheegay in xataa iyadu ay heshiis shaqsi ah la meel dhigtay 33 sano jirka ree Argentina.

Ugu dambayn, arrinta ayaa iskugu tagtay in Messi uu go’aansado inuu xilli ciyaareedka kale ee heshiiskiisa ka hadhay ugu yaraan sii joogo Camp Nou isaga oo diiday inuu maxkamad la tago kooxda oo uu sheegay inuu jecel yahay.

Haddaba, Kroos oo hadda la weydiiyay haddiiba ay kooxdiisa Real Madrid u dhaqaaqi lahayd saxeexa Messi ayaa sheegay in sida uusan Messi u doonayn inuu Real tago aysan kooxduna u doonayn inay la saxeexato.

Toni ayaa isaga oo arrimahaas ka hadlayay yidhi “Uma malaynayo sidaas (In Real Madrid ay dooni lahayd saxeexa Messi), uma malaynayo inuu isagu rajaynayo inuu yimaado laakiin dareenkaasi waa mid laba geesood ah, maadaama oo uusan isagu doonayn inuu yimaado Madrid taasi waa sababta aan filayo inaysan dhici karin”