Home BundesLiga

UEFA Oo Lagu Cadaadinayo Inay Kansalaan Dhamaan Horyaalada Kala Duwan Ee Qaarada Yurub Iyo Shirka Beri Ay Ku Balansan Yihiin Xubnaha UEFA?

UEFA Oo Lagu Cadaadinayo Inay Kansalaan Dhamaan Horyaalada Kala Duwan Ee Qaarada Yurub Iyo Shirka Beri Ay Ku Balansan Yihiin Xubnaha UEFA?
UEFA Oo Lagu Cadaadinayo Inay Kansalaan Dhamaan Horyaalada Kala Duwan Ee Qaarada Yurub Iyo Shirka Beri Ay Ku Balansan Yihiin Xubnaha UEFA?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa lagu cadaadinayaa inuu kansalo dhamaan horyaallada kala duwan ee qaaradda Yurub, maadaama ay dhibaatada xanuunka COVID-19 taagan tahay oo ay riiqdiisu sii dheeraanayso xilli uu waqtiguna is-gurayo oo lagu dhowyahay waqtigii ay dhamaan lahaayeen horyaallada kala duwan ee qaaradda Yurub.

Khamiista berri ah ayay xubnaha UEFA yeelan doonaan shir maqal iyo muuqaal ay ku geli doonaan, waxaana go’aan lagaga gaadhi doonaa muddaynta waqtiyada cusub ee ay ciyaaruhu dib u bilaabmi karayaan, taas oo uu hore usii iclaamiyey Madaxweynaha UEFA Aleksander Cefrin oo ku adkaysanaya in qaaradda Yurub ay dib u bilowdo tartamada maxalliga ah oo la dhamaystiro inta ka horreysa bisha August, si isla bishaasina u noqoto waqtiga ay qabsoomayaan Finalada Champions League iyo Europa League.

Laakiin, Belgium oo kansashay horyaalkeeda laba toddobaad ka hor ayaa waxay hoggaaminaysaa dhawr waddan oo kale oo doonaya in horyaalladooda la dhameeyo oo qaab xisaabeed lagu soo afjaro, isla markaana aan dib la iskugu imanin ciyaaro dambe inta ka horreysa xili ciyaareedka dambe oo waliba dib loo riixo xilliga uu bilaabmayo haddii ay sii jirto caqabaddani.

Belgium iyo dalalkan kale oo waxay u ololaynayaan in la qabto shir lagu go’aaminayo arrintan iyagoo kasoo maraya dhinaca badqabka caafimaadka bulshada iyo ciyaartoyda, laakiin arrinta kale ee soo baxday ayaa waxay tahay in dhamaan dalalkan hawshan cusub abaabulaya aanay horyaalladoodu ku tiirsanayn dakhliga kasoo gala telefishannada sida Premier League oo kale oo heshiis 3 bilyan oo Gini ah kula jira Sky Sports iyo BT Sports.

Ceferin ayaa hore ugaga digay Belgium iyo dalalka kale ee horyaalladooda kansala ama u dhameeya qaab aan ahayn ciyaarihii caadiga ahaa, inay suurtogal tahay in laga caydhiyo Champions League iyo Europa League oo aanay sannadkan ka qaybgelin.

Waddanka Holland ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey ay isa-soo tarayeen baaqyo lagu doonayo in horyaalka Eredivisie lagu kansalo xilli ay isku dheggan yihiin saddexda kooxood ee Ajax PSV Eindhoven iyo AZ Alkmaar.

Si kastaba ha ahaatee, shirka khamiista berri ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobbo xaasaasi ah oo saameeya inta hadhay ee xili ciyaareedka, sidoo kalena dalalka qorshahan cusub wada ayaa la eegi doonaa halka ay arrintoodu saldhigto.