UEFA Oo Ku Dhawaaqay Isku Aadka Tartanka Qaramada Yurub Ee UEFA Nations League?

UEFA Oo Ku Dhawaaqay Isku Aadka Tartanka Qaramada Yurub Ee UEFA Nations League?
UEFA Oo Ku Dhawaaqay Isku Aadka Tartanka Qaramada Yurub Ee UEFA Nations League?

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sameeyay isku aadka tartanka qaramada Yurub ee UEFA Nations League kaas oo sanadkan 2020 bilaami doona waxayna xulalku ogaadeen halka ay tartanka ka bilaaban doonaan.

UEFA ayaa afar qaybood u kala jabisay 55 ka xul qaran ee ku tartamaya koobka UEFA Nations League waxayna u sameeyeen isku aadka 2020/2020 oo bisha Semtember 2020 bilaami doona.

Markii xulalka 55ka ah la qaybinayay waxaa lagu saleeyay qiimaynta UEFA ee xulalka qaramada Yurub iyada oo muruqyo waynta xulalka Yurub ay hadda ogaadeen groupyada ay ku soo baxeen iyo xulalka kale ee ay la ciyaari doonaan.

Afarta qaybood ee loo kala jabiyay xulalka qaramada Yurub waxaa mid kastaba loo bixiyay Horyaal iyada oo tirooyinka 1, 2, 3…. la raaciyay, waxaana horyaal kastaba loo qaybiyo groupyo dhexdooda ah.

Xulka qaranka koobka UEFA Nations League difaacanaya ee Portugal ayaa hogaaminaya horyaalka A waxayna si gaar ah ugu jiraan Group 3 waxayna markale isku soo laabteen xulkii ay taniyo Euro 2016 soo dagaalameyeen ee France.

Xulka Germany ayaa hogaaminaya Group 4 ee horyaal A waxayna dagaal toos ah wada gali doonaan Spain, Ukraine iyo Switzerland.

Xulka qaranka England wayaa UEFA Nations League ku wajihi doona xulalka kala ah Iceland, Denmark iyo Belgium iyada oo la xusuusto ceebtii Iceland kaga soo gaadhay Euro 2016.

Isku Aadka Horyaalka Group D ee UEFA Nations League

Group 1

  • Malta
  • Andorra
  • Latvia
  • Faroe Islands

Group 2

  • San Marino
  • Liechtenstein
  • Gibraltar

Isku Aadka Horyaalka Group C ee UEFA Nations League

Group 1

  1. Azerbaijan
  2. Luxembourg
  3. Cyprus
  4. Montenegro

Group 2

  • Armenia
  • Estonia
  • North Macedonia
  • Georgia

Group 3

  • Moldova
  • Slovenia
  • Kosovo
  • Greece

Group 4

  • Kazakhstan
  • Lithuania
  • Belarus
  • Albania

Isku Aadka Horyaalka Group B ee UEFA Nations League

Group 1

  • Romania
  • Northern Ireland
  • Norway
  • Austria

Group 2

  • Israel
  • Slovakia
  • Scotland
  • Czech Republic

Group 3

  • Hungary
  • Turkey
  • Serbia
  • Russia

Group 4

  • Bulgaria
  • Republic of Ireland
  • Finland
  • Wales

Isku Aadka Horyaalka Group A ee UEFA Nations League

Group 1

  • Poland
  • Bosnia and Herzegovina
  • Italy
  • Netherlands

Group 2

  • Iceland
  • Denmark
  • Belgium
  • England

Group 3

  • Croatia
  • Sweden
  • France
  • Portugal

Group 4

  • Germany
  • Ukraine
  • Spain
  • Switzerland

Tartanka UEFA Nations League ayaa furmi doona bisha September ee sanadkan 2020 iyada oo uu socon doono muddo badan inta lagu jiro wareegyada hore.