UEFA Ayaa Ku Dhawaaqday Xidigii Ugu Fiicnaa Todobaadkii La Soo Dhaafay Tartanka Champions League?

UEFA Ayaa Ku Dhawaaqday Xidigii Ugu Fiicnaa Todobaadkii La Soo Dhaafay Tartanka Champions League?
UEFA Ayaa Ku Dhawaaqday Xidigii Ugu Fiicnaa Todobaadkii La Soo Dhaafay Tartanka Champions League?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xiddiga loo magacaabay ciyaartoygii ugu fiicnaa toddobaadkan tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed ee UEFA Champions League.

Toddobaadkan ayaa dib loo furay Champions League waxaana la ciyaaray afar kulan oo kamida wareega 16-ka lugtiisa koowaad iyadoo ay guulo gaadheen afarta kooxood ee kala ah Atletico Madrid, Borussia Dortmund, RB Leipzig iyo Atlanta.

Sidii aanu hore idiinla soo wadaagnay, Afarta xiddig ee ku loolamayay xiddigii ugu fiicnaa Champions League toddobaadkan ayaa ahaa weeraryahanka Dortmund ee Erling Haaland, Daafacyada Atlanta iyo Atletico ee Hateboer iyo Renan Lodi iyo waliba goolhayaha Tottenham ee Hugo Lloris.

Kaddib codkii la ururiyay, UEFA ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga toddobaadkan ee tartanku uu yahay 19 sano jirka Borussia Dortmund ee Erling Haaland kaas oo soo dhaliyay labadii gool ee ay kooxdiisu ku quusisay Paris Saint-Germain.

Haaland ayaa toddobaadkan labada gool ee uu kasoo dhaliyay PSG kusoo dhigay rekoodho badan oo cajiib ah waxaana kamid ah inuu noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid 10 gool sida ugu dhakhsaha badan uga dhaliya Champions League.

Guud ahaan tartamada oo dhan, Haaland ayaa xilli ciyaareedkan 39 gool usoo dhaliyay kooxdiisa haatan ee Borussia Dortmund iyo kooxdii uu kasoo wareegay ee RB Salzburg.