Home BundesLiga

UEFA Ayaa Heshay Wado Ay Ku Go’aamin Doonto Kooxaha u Soo Bixi Doona Tartamada Champions Leageu?

UEFA Ayaa Heshay Wado Ay Ku Go'aamin Doonto Kooxaha u Soo Bixi Doona Tartamada Champions Leageu?
UEFA Ayaa Heshay Wado Ay Ku Go'aamin Doonto Kooxaha u Soo Bixi Doona Tartamada Champions Leageu?

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa heshay wado ay ku go’aamiso kooxaha u soo bixi doona tartamada Champions leageu iyo Europa League xilli ciyaareedka dambe hadii la Kansalo horyaalada yurub sabab la xidhiidha Coronavirus.

Gudiga fulinta ee xidhiidhka Europe ayaa maanta oo khamiis ah soo saaray qaabka ay kooxaha kala duwan ee yurub ugu soo bixi doonaan tartamada champions League iyo Europa League xilli ciyaareedka dambe ee 2020/2021.

UEFA ayaa sheegtay in hadii horyaalada si buuxda loo dhamaystiri kari waayo dookha xiga ayaa ah in loo go’aamiyo kooxaha ka qayb galaya tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe kaas oo kooxaha u suurtagalin doona in ay xilli ciyaareedka dambe ciyaaraan.

Arintaasi ayaa loo dhaafi doonaa in ay maamulada xidhiidhada kala duwan go’aamiyaan kooxaha u soo bixi kara laakiin waxa ay la macno tahay in ay UEFA Samayn doonto koob yar oo kulamo kala bax ah oo ay ka qayb gali doonaan kooxuhu si ay ugu soo baxaan tartamada champions League iyo Europa League.