Tobanka Goolhaye Ee Ugu Fiican Boos Walba Oo Garoonka Dhexdiisa Ah Waxaa Hogaaminaya Goolhaye Alisson?

Tobanka Goolhaye Ee Ugu Fiican Boos Walba Oo Garoonka Dhexdiisa Ah Waxaa Hogaaminaya Goolhaye Alisson?
Tobanka Goolhaye Ee Ugu Fiican Boos Walba Oo Garoonka Dhexdiisa Ah Waxaa Hogaaminaya Goolhaye Alisson?

Xiddigaha ugu fiican adduunka, waxa mar walba lagu sameeyaa qiimayn joogto ah oo sees looga dhigo qaabka uu shaqadiisa u qabsado ee uu garoonka dhexdiisa ugu halgamo, iyadoo lala barbar-dhigayo kuwa kale ee ay isla xafiiltamayaan.

Qiimayntii ugu dambaysay ee si dhamaystiran loogu sameeyo kubadda cagta, waxa lagu dul-istaagay boos walba tobanka ciyaartoy ee ugu fiican, taas oo lagu ladhay tababareyaasha xili ciyaareedkan iyo sannadihii ugu dambeeyeyba ahaa kuwa dunidu u daba-fadhiisato taatikada iyo hannaankooda ciyaareed ee ay garoomada sida cajiibka ah kooxahooda guulaha ugaga raadiyaan.

Horyaalka Premier League ayaa tirada ugu badan ka helay qiimaynta, marka la eego boos walba inta ciyaartoy ee ay ku leeyihiin, waxaana taas u sahlay kubadda Ingiriiska ee sare usoo kacaysa isla markaana ay dunidu sida cajiibka ah ugu xidhan tahay.

Horyaalka Spain ee LaLiga ayaa soo raacay, waxaana kusii xigay xiddigaha Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1 ayaa iyaguna ciyaartooyo ku yeeshay, laakiin celcelis ahaan ma jiraan xiddigo tiro ahaan u dhigmaya Premier League.

Goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker ayaa kaalinta koowaad ka galay qiimaynta goolhayeyaasha ugu fiican, waxaanu ku garaacay Jan Oblak oo Atletico Madrid ah iyo Marc-Andre ter Stegen oo labaad iyo saddexaad kala galay.

Alisson waxa uu Liverpool ka caawiyey xili ciyaareedkii hore inay ku guuleysato tartanka naadiyada Yurub ee Champions League, Club World Cup iyo horyaalka Premier League oo faro-ciddidood ay Manchester City kaga xoogsatay.

Halkan Ka Akhriso Xogta Goolhayeyaasha oo Dhamaystiran?

1: Alisson:- Kooxda/ waddanka:  Liverpool/Brazil.

2: Jan Oblak:- Kooxda/ waddanka: Atletico Madrid/Slovenia.

3: Marc-Andre ter Stegen:- Kooxda/ waddanka:  Barcelona/Germany

4: Ederson:- Kooxda/ waddanka: Manchester City/Brazil.

5: Manuel Neuer:- Kooxda/ waddanka:  Bayern Munich/Germany.

6: Wojciech Szczesny:- Kooxda/ waddanka:  Juventus/Poland.

7: Kepa Arrizabalaga:- Kooxda/ waddanka:  Chelsea/Spain.

8: Hugo Lloris:- Kooxda/ waddanka:  Tottenham/France.

9: David De Gea:- Kooxda/ waddanka: : Manchester United/Spain.

10: Andre Onana:- Kooxda/ waddanka: Ajax/Cameroon.