Tobanka Difaaca Midig Ee Ugu Fiican Boos Walba Oo Garoonka Dhexdiisa Ah Waxaa Hogaaminaya Trent Alexander-Arnold?

Tobanka Difaaca Midig Ee Ugu Fiican Boos Walba Oo Garoonka Dhexdiisa Ah Waxaa Hogaaminaya Trent Alexander-Arnold?
Tobanka Difaaca Midig Ee Ugu Fiican Boos Walba Oo Garoonka Dhexdiisa Ah Waxaa Hogaaminaya Trent Alexander-Arnold?

Tobanka difaaca midig ee ugu fiican caalamka, waxa kaalinta koowaad ka galay laacibka Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo sibiq kaga baxsaday xiddiga Bayern Munich ee Kimmich oo lagu tiriyo mid ka mid ah kuwa ugu fiican caalamka, isla markaana boos walba oo la geeyo si xarrago leh uga ciyaari karaya.

Alexander-Arnold waxa uu kaga sare maray Kimmich gool-caawinta cajiibka ah ee uu kooxdiisa kaga saaciday inay ku guuleysato Champions League, isla markaana daadka ka dhigay dhinaciisa, gaar ahaan qaabkii uu u farsameeyey Barcelona semi-finalkii Champions League ee xilligii uu koornaha kasoo laagayay dhinaca midig oo laacibiinta Barca oo sii wada jeeda uu kubadda u dhiibay Origi oo isaguna goolka guusha dhaliyey.

Halkan Ka Akhriso Xogta Tobanka Difaaca Midig oo Dhamaystiran?

1: Trent Alexander-Arnold:- Kooxda Liverpool, Waddanka England.

2: Joshua Kimmich Kooxda/ waddanka: Bayern Munich/Germany.

3: Ricardo Pereira:- Kooxda/ waddanka: Leicester City/Portugal.

4: Dani Carvajal:- Kooxda/ waddanka: Real Madrid/Spain.

5: Kyle Walker Kooxda/ waddanka: Manchester City/England.

6: Dani Alves Kooxda/ waddanka: Sao Paulo/Brazil.

7: Joao Cancelo:- Kooxda/ waddanka: Manchester City/Portugal.

8: Kieran Trippier:- Kooxda/ waddanka: Atletico Madrid/England.

9: Cesar Azpilicueta:- Kooxda/ waddanka: Chelsea/Spain.

10: Aaron Wan-Bissaka Kooxda/ waddanka: Manchester United/England.