Timo Werner Wuxuu Qaaday Wado Geyn Karta Kooxda Uu Ku Haminaayo Ee Liverpool?

Timo Werner Wuxuu Qaaday Wado Geyn Karta Kooxda Uu Ku Haminaayo Ee Liverpool?

Weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa qaaday talaabo cusub oo cajiib ah oo uu ku muujinayo sida uu u doonayo u dhaqaaqista dhinaca horyaalka Premier League gaar ahaan dhinaca kooxda horyaalka hoggaaminaysa ee Liverpool.

Werner ayaa si joogta ah loola xidhiidhinayay Liverpool mudooyinkii ugu dambeeyay, Dhawaan ayay ahayd markii uu si cad u sheegay in Liverpool ay tahay kooxda ugu fiican dunida farxadna u tahay in lala xidhiidhiyo.

Talaabada uu haatan qaaday Werner oo amakaaga noqotay ayaa ah inuu gabi ahaanba ka laabtay (Unfollow) bogga barta Twitter-ka ee kooxdiisa Leipzig wax yar kaddib markii ay ku maadsadeen kooxda lala xidhiidhinayo ee Liverpool.

Leipzig ayaa Reds ugu maadsaday guuldarradii 3-0 ka ahayd ee ay horyaalka dhawaan kagala kulmeen kooxda Watford waana arrinta la aaminsan yahay inay dhalisay inuu xiddigeedu ka laabto akoonkooda Twitter-ka.

Leipzig ayaa ku maadsaday Liverpool iyagoo adeegsanaya sawirka Werner qudhiisa waxaana ay boggooda soo dhigeen muuqaal kooban oo muujinaya Werner oo si yaab leh u eegaya taleefankiisa kaddib guuldarradii kooxdaas.

Intaa kaddib akoonka LFC Fans Corner ayaa u jawaabay Leipzig isagoo u sheegay inay si dadban ugu dhawaaqeen heshiiska Werner balse markale kooxda ayaa ugu jawaabtay muuqaalka Werner oo madaxiisa dhirbaaxaya.