Thomas Partey Wakiilkiisa Muxuu Ka Yidhi Wararka Lala Xidhiidhinaayo Ku Biiri Taanka Kooxda Arsenal?

Thomas Partey Wakiilkiisa Muxuu Ka Yidhi Wararka Lala Xidhiidhinaayo Ku Biiri Taanka Kooxda Arsenal?
Thomas Partey Wakiilkiisa Muxuu Ka Yidhi Wararka Lala Xidhiidhinaayo Ku Biiri Taanka Kooxda Arsenal?

Wakiillada xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid ee Thomas Partey ayaa been aanay waxba ka jirin ku tilmaamay hadal uu shalay warbaahinta siiyey aabbaha dhalay laacibkan oo lagu magacaabo Jocob Partey, kaas oo ahaa in wiilkiisu uu wada-hadallo kula jiro kooxda Arsenal.

Jocob oo ku sugan waddanka Ghana oo la hadlay Barnaamijka Sports World Show ee ka baxa idaacadda Tru Fm, ayaa xaqiijiyey in wada-hadallo u socdaan Thomas Partey iyo Arsenal, isaga oo yidhi: “Waan wacay wiilkayga markii aan maqlay xanta, waxaanu ii sheegay in wararka xanta ah (ee Arsenal) ay run yihiin.

“Wuxuu ii sheegay inay wada-hadallo u socdaan isaga iyo Arsenal. Dhamaan waxay ku xidhnaanayaan dalabyada ay Atletico Madrid doonayso.

“Haddii uu tago Arsenal, way fiican tahay, waxay taageereyaal badan ku leeyihiin Ghana, aniguna waan ku farxi doonaa haddii uu go’aansado inuu Arsenal u dhaqaaqo.”

Hadalkan waxa jawaab degdeg ah ka bixiyey wakiillada Thomas Partey oo lagu magacaabo JJ Sports, waxaana hadal kooban oo ay soo saareen ay ku yidhaahdeen “Gebi ahaantoodba run maaha.”

Maalmihii ugu dambeeyey waxa taagnayd hadal hayn ah in Arsenal ay diyaar u tahay inay bixiso lacagta lagu burburin karayo heshiiska Thomas kula jiro Ateltico oo ah 50 milyan oo Euro, laakiin Atletico ayaa kula jirto heshiis soconaya ilaa 2023, mana ogolaan karto inay dhayal kusii dayso laacibkan oo muhiim u ah khadkeeda dhexe, balse waxba kama qaban karaan haddii ay Gunners bixiso lacagta ku xidhan heshiiskiisa oo uu ciyaartoyguna go’aansado inuu baxo.