Tartanka Premier League:- Kulanka Kooxaha Man City Iyo West Ham?

Tartanka Premier League:- Kulanka Kooxaha Man City Iyo West Ham?
Tartanka Premier League:- Kulanka Kooxaha Man City Iyo West Ham?

Kooxda Manchester City ayaa qaabilaysa kooxda dhibaataysan ee West Ham United oo halis ugu jirta inay dib ugu laabato heerka labaad ee xili ciyaareedkan, taas oo haddaba ku jirta casaanka.

City oo 22 dhibcood ka dambaysa Liverpool oo hoggaanka horyaalka haysa, waxay shan dhibcood ka sarraysaa Leicester City oo saddexaad fadhida, waxaanay maanta ka ordi doonaan inay ogolaadaan in Reds ay sii badsato rikoodhka ay hoggaanka ku hayso, sidoo kalena ay Leicester kusoo dhawaato.

Tababare Pep Guardioola oo dib u helay difaacii uu u dhibaatooday ee Aymeric Laporte waxa uu waada haystaa dhamaan ciyaaryahannadiisa marka laga reebo Raheem Sterling iyo Leroy Sane, waxaana uu shax adag kala hor tegi doonaa West Ham si uu ugu soo laabto dariiqa guusha kaddib laba ciyaarood oo guul-darrooyin ah oo kasoo kala gaadhay Manchester United iyo Tottenham.

Inkasta oo aanay wax rajo ah ka lahayn inay soo qabato Liverpool, haddana qorshaha City waxa uu yahay in aanay ogolaanin in waqti hore koobka la guddoonsiiyo Reds, blase David Moyes oo ciyaartii ugu dambaysay barbarro soo galay, ayaa xiddigihiisa u diyaarsaday sidii ay ugu yaraan hal dhibicc ugala soo laaban lahaayeen Etihad Stadium.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, Manchester City waxay lumisay guulihii xidhiidhka ahaa, waxaanay libinta heshay afar ciyaarood, mid laga badiyey iyo mid barbarro, waxase ay aad uga wanaagsan tahay West Ham United oo hal mar oo kaliya soo badisay lixdii kulan ee ugu dambeeyey, saddex laga badiyey iyo laba barbarro ahna raacsaatay.

Image result for Man City vs West Ham

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Kaddib kulamo badan oo uu dhaawac ku seegay, Laporte ayaa rajaynaya inuu dib ugu soo laabto difaaca dhexe ee Manchester City kulanka caawa, iyadoo uu beddeli doono Nicolas Otamendi.

Oleksandr Zinchenko oo gaaax hal kulan ah ku maqan, ayaa waxa uu fursad siin doonaa Benjamin Mendy oo ka ciyaari doona garabka bidix ee difaaca.

Dhaawaca Sterling, ayaa waxa uu fursad siin doonaa Bernardo Silva iyo Riyad Mahrez oo weerarka ka garabb ciyaari doona Sergio Aguero, hase yeeshee khadka dhexe ayay lama taabtaan noqon doonaan De Bruyne iyo Rodri.