Home Premier League

Tartanka Premier League:- Kooxaha Manchester United Iyo Manchester City Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka Premier League:- Kooxaha Manchester United Iyo Manchester City Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka Premier League:- Kooxaha Manchester United Iyo Manchester City Oo Wada Ciyaari Doona?

Labada kooxood ee isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City ayaa markii afraad muddo saddex bilood gudahood ah iska hor imanaya, waxaana markan lagu ciyaarayaa Old Trafford oo martigelin doona kulankooda ugu dambeeya xili ciyaareedkan, haddii aanu mar kale nasiibku isku beegin wareegyada dambe ee FA Cup.

United oo u muuqata inay dib u helayso khiddadii ka maqnayd, waxay raadin doontaa guul ay suurtogal tahay inay ku gasho kaalinta afraad ee miiska kala sarraynta Premier League oo ay dhinac iskaga riixi karto Chelsea haddii ay guul ka keeni weydo ciyaarteeda maanta Everton ay ku qaabilayso, laakiin tababare Pep Guardiola ayaa u imanaya Old Trafford inuu kaga aargoosto Manchester United maadaama labadii kulan ee ay ku ciyaareen Etihad ay Red Devils guuleysatay, halka kooxdiisuna ay kulankii semi-finalka Carabao Cup kaliya ku adkaatay garoonka maanta lagu ciyaarayo.

Ole Gunnar Solskjaer oo hammigiisa ugu weyn uu yahay in kooxdiisu ay kusoo laabato Champions League oo ay xili ciyaareedkan ka maqnayd, waxa uu ogyahay afar dhibcood oo kali ah u dhexeeyaan naadiyada kaalinta shanaad illaa siddeedaad, taasina dhibaato ku noqonayso haddii laga badiyo rajadooda tartamada Yurub, waxa kaliya ee ay taas kaga badbaadi karaana waa inay saddex dhibcood caawa ka xoogsadaan deriskooda City.

Kooxaha Wolves, Tottenham, Sheffield United iyo Arsenal ayaa dhamaantood loollan ugu jira kaalinta afraad ee Premier League oo ay Chelsea hadda ku fadhido, waxaanay fursaddan kula dagaallamayaan Manchester United, khasaare uga yimaadda maantana waxay jaanis u tahay naadiyadaas kale.

Image result for Man United vs Man City

Dhinaca kale, Man City oo kaalinta labaad ku jirta, waxay 15 dhibcood ka sarraysaa Manchester United, hase yeeshee waxay soo yarayn karayaan farqiga ay Liverpool ka  horreyso oo ah 25 dhibcood inkasta oo laba kulan ay gacanta ku haysato City.

Pep Guardiola iyo xiddigaha kooxdiisa ayaa jawaab fiican ka bixiyey ganaax ay UEFA kusoo rogtay oo laba sannadood lagaga mamnuucay tartamada Yurub, waxaana falcelintii ay sameeyeen guulo waaweyn oo ay ku jirtay middii Real Madrid, hase yeeshee rafcaan ay qaateen ayay filayaan inuu uga soo baxo war ay ku farxaan, haddiise rafcaanka ay waxba kasoo bixi waayaan, waxa Citizens ay ka maqnaan doontaa Champions League labada xili ciyaareed ee soo aaddan, iyadoo kooxda kaalinta shanaad kaga dhamaysata horyaalka loo xisaabin doono inay afraad gashay.

Image result for Man United vs Man City

90-ka daqiiqadood ee ciyaartan, waxa dagaalka ugu weyn uu ku dhex mari doonaa labada kooxood khadka dhexe oo City ay ku xooggan tahay, waxaase bandhig wanaagsan ka samaynaysay Manchester United oo uu saamayn ku yeeshay Bruno Fernandes.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey Premier League, Manchester United laba jeer ayay guuleysatay, laba waa laga  badiyey, labana barbar-dhac ayay gashay, waxaanay taasi ka dhigan tahay inay soo heshay siddeed dhibcood. City waxay lixdaas ciyaarood soo heshay 13 dhibcood oo ay ku heshay afar guulood, hal barbarro iyo mid laga badiyey.

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Labada kooxoodba waxay haystaan ciyaartooyo dhaawac ku maqan iyo kuwo uu shaki ku jiro inay taam u noqon karayaan kulankan waqtiga kooban ee ka hadhay.

Manchester United waxa uu dhaawac ka ah difaaca birta ah ee Harry Maguire oo seegay kulankii FA Cup ee Derby County, Man City na waxa kulankii Sheffield Wednesday ee FA Cup wax ku noqday Kevin de Bruyne oo laf-dhabar u ah kooxda Guardiola.

Aymeric Laporte iyo Leroy Sane ayaa dhaawacyo kaga maqan Man City, mana jiraan wax kale oo walaac gelin karaya tababaraha reer Spain oo uu marmarsiiyo uga dhigan karayo haddii guul-darro ku timaaddo, laakiin Solskjaer ayaa tiro ciyaartooyo ah qaarkoodna maqan yihiin kuwo kalena hadda dib ugu soo laabteen oo aanay helin waqti badan oo tababar ah.

Aaron Wan-Bissaka iyo David James ayaa usoo laabtay Red Devils, waxaase maqan Marcus Rashford iyo Paul Pogba, waxaana boosaskooda diyaar u ah Odion Ighalo iyo Bruno Fernandes oo isku deyi doona inaan la tabin maqnaanshaha labadan laacib.