Tartanka Premier League:- Kooxaha Man United Iyo Watford Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka Premier League:- Kooxaha Man United Iyo Watford Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka Premier League:- Kooxaha Man United Iyo Watford Oo Wada Ciyaari Doona?

Kooxda Manchester United oo Isniintii guul weyn oo 2-0 ah ka gaadhay Chelsea ayaa waxay maanta Old Trafford ku qaabilaysaa Watford oo kaalinta 19aad kaga jirta horyaalka, waxaanay u dagaallami doontaa guul ay ugu soo ruqaansato kaalinta shanaad oo ay kala bixi karto Tottenham oo shalay guul-darro kala soo laabatay safar gaabban oo ay ku aadday Stamford Bridge.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo dib u helay qaar ka mid ah ciyaaryahannadii dhaawaca kaga maqnaa, waxa uu fursad u haystaa inuu shaxdiisa kusoo bilaabo Scot McTominay oo ka xoojin doona khadka dhexe, laakiin waxa saamayntiisii sida degdegga ah loo dareemay mar kale ku celin doona saxeexa cusub ee Bruno Fernandes.

26 ciyaarood oo Premier League ah oo ay Red Devils ciyaartay, waxay kasoo heshay 38 dhibcood oo kaliya oo ku yimid 10 guulood, siddeed barbarro ah iyo siddeed laga badiyey, sidaas oo ay tahayna waxay tegi kartaa kaalinta shanaad iyadoo saddex dhibcood ka dambayn doona Chelsea oo afraad ku jirta, hal dhibicna waxay ka horreyn doonaan Sheffield United iyo Tottenham oo min 40 dhibcood haysta.

Marka la eego bandhigga iyo natiijooyinka labada kooxood ka keeneen min lixdii ciyaaarood ee ugu dambeeyey horyaallada, waxay ku jiraan xaalad isku dhow iyagoo haysta min laba guulood, laakiin Watford ayaa xoogaa dhaanta oo dhinaca barbarraha laba leh, halka United ay mid barbarro ah iyo saddex laga badiyey uraaceen.

United waxa mar kale ka maqnaan doona xiddigaha muhiimka ah ee Paul Pogba iyo Marcus Rashford oo dhaawac ah, laakiin waxa soo kabtay Scott MacTominay oo tababare Solskjaer uu go’aan ka gaadhi doono haddii uu kusoo bilaabi doono iyo haddii uu beddel kusoo gelinayaba.

Manchester United oo dhinc isha kusii haysa ciyaarta ay Khamiista la dheeli doonto Club Brugge ee tartanka Europa League oo laba maalmood ka hor ay barbarro kusoo kala baxeen, ma jiraan dhaawacyo kale oo walaac gelinaya Solskjaer ka hor kulanka maanta.

Dhinaca Watford, Kiko Femernia iyo Ismaila Sarr ayaa kusoo laabtay tababarka, waxaanay diyaar u yihiin inay kusoo bilowdaan safka hore, inkasta oo Sarr oo dhaawac muddo dheer ah kasoo noqday ay u badan tahay in aan khatar la gelinin.