Home Premier League

Tartanka Premier League:- Kooxaha Liverpool Iyo West Ham Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka Premier League:- Kooxaha Liverpool Iyo West Ham Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka Premier League:- Kooxaha Liverpool Iyo West Ham Oo Wada Ciyaari Doona?

Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda West Ham kulan ka tirsan toodbaadkii 27-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Reds ayaa kulanka soo galaysa in ay ku soo laabato wadada saxda ah kadib guuldaradii Atletico Madrid iyo waliba in ay ku sii dhawaato ku guulaysiga horyaalka premier League.

Dhanka kale West Ham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay qabtaan Liverpool sidii ay bar-baraha ula galeen Liverpool wakhtigan oo kale xilli ciyaareedkii hore inkasta oo at markaas ku ciyaaraysay garoonkeeda.

Image result for Liverpool Vs West Ham

Kooxda Liverpool ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee ay West Ham Anfield ku marti galisay iyaga oo kulan walba dhaliyay 4 gool.

Kooxda West Ham ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 46-kii kulan ee ay Martida u noqotay Liverpool kaas oo ahaa kulan dhacay Bishii August 2015.

Kooxda West Ham ayaa kaliya hogaamisay 123 daqiiqo 23 kulan oo ay Liverpool Anfield marti ugu noqotay premier League iyada 87 daqiiqo oo ka mid ah ahaye kulankii ay 3/0 uga badisay Liverpool.

Liverpool ayaa badisay 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League waxana ay kulanka West Ham bar-barayn karaan Rikoodhkii Man City ee guulaha ugu badan xilli ciyaareed kaliya.