Tartanka Premier League:- Kooxaha Leicester City Iyo Man City Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka Premier League:- Kooxaha Leicester City Iyo Man City Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka Premier League:- Kooxaha Leicester City Iyo Man City Oo Wada Ciyaari Doona?

Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka King Power Staduim.

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha premier League si ay xiddigaha kooxdu niyada ugu dhistaan kadib ganaaxii kooxda dusha laga saaray.

Dhanka kale Leicester City ayaa kulanka u soo galaysa sidii u xejisan lahaayeen kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kooxda Leciester City ayaa guuldaro la kulantay 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaareen kooxda Man City kulamada horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa la kulantay guuldaro laba ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay King Power Staduim kulamada horyaalka premier League.

Kooxda Leiceter City ayaa bar-baro gashay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League kadib markii ay kaliya bar-baro galeen hal kulan oo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Kooxda Man City ayaa guuldaro la kulantay 4 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League wana in ka badan labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay horyaalka.