Tartanka Premier League:- Kooxaha Chelsea Iyo Tottenham Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka Premier League:- Kooxaha Chelsea Iyo Tottenham Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka Premier League:- Kooxaha Chelsea Iyo Tottenham Oo Wada Ciyaari Doona?

Kulanka ugu xiisaga badan todobaadkan premier League ayaa dhici doona kulanka ay isaga hor iman doonaan kooxaha Chelsea iyo Tottenham kana dhici doona garoonka Stamford Bridge kana tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier League.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo si weyn ugu baahan guul ay gaadhaan si ay ugu soo laabtaan wadada guulaha waliba u xoojiyaan rajadooda tartanka champions League.

Dhanka kale Kooxda Tottenham ayaa u baahan guul muhiim ah iyo waliba in ay sii wadaan dagaalkooda tartanka u soo bixista champions League.

Waxa kulanka xiisaha gaarka ah u sii yeelaya kulanka ayaa ah in ay labada kooxood kaliya hal dhibic iyada oo labada kooxood ku tartamayaan kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka.

Chelsea ayaa badisay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Tottenham iyada oo markii ugu dambaysay ee ay 3 kulan oo xidhiidh ah ka badiso Tottenham ayaa ahayd bishii March 2006 markaas oo uu Blues hogaaminayay tababare Jose Mourinho.

Kooxda Tottenham ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 33-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Chelsea tartamada oo dhan.

Kooxda Martida ah ayaa badisay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee u dhexeeyay kooxaha Tottenham iyo Chelsea.

Chelsea ayaa la kulantay 7 guuldaro xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan kulamada garoonkeeda markii ugu dambaysay ee ay xilli ciyaareed kaliya la kulantay guuldaro intaas ka badan ayaa ahayd 1985/1986 markaas oo ay la kulmeen 8 guuldaro.