Tartanka Premier League:- Kooxaha Arsenal Iyo Everton Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka Premier League:- Kooxaha Arsenal Iyo Everton Oo Wada Ciyaari Doona?

Kooxda Arsenal waxay maanta garoonkeeda ku qaabilsayaa kooxda Everton ee uu hoggaaminayo macallinka ruug caddaaga ah ee Carlo Ancelotti, waxaanay ku dagaallami doonaan midkooda sare ugu sii ruqaansanaya kaalmaha hore maadaama laba dhibcood oo kali ahi u dhexeeyaan boosaska ay kaga jiraan miiska kala sarraynta Premier League.

Arsenal oo kaalinta 11aad fadhida, laakiin lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan laga badinin, waxa hammigooda ah inay kaalinta 7aad ama 8aad soo fadhiistaaan ka horreysa inay meel iska saaraan Everton oo 11-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey hal mar oo kaliya laga badiyey, isla markaana meel hoose kasoo dhaqaaqday intii uu Ancelotti gadh-wadeenka ka ahaa.

Tababare Mikel Arteta oo isbeddel ku sameeyey qaab ciyaareedka kooxda, waxa uu la dhibaatoonayaa sidii uu u heli lahaa falsafadda guusha, tageerayaashu se waxay u muujinayaan kalsooni ah inay arkayaan ifafaale guuleed iyo naadigoodu dib usoo noolaanayo.

Kulankii ugu dambeeyey ee tartanka Europa League ee ay waddanka Giriiga kula soo ciyaareen Olympiacos, Arsenal waxay heshay guul farxad leh iyo in uu dib usoo laabtay weeraryahanka Alexandre Lacazette oo ka baxay abaar gool la’aan ah.

Saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Burnley, Newcastle iyo Olympiacos, Gunners waxay soo muujisay difaac wanaagsan oo ay shabaqeeda nadiif ka dhigtay, laakiin marka ay Everton maanta iska hor yimaaddaan, waxay u baahan yihiin dedaal iyo hawl badan, maadaama 11 ciyaaarood ay kasoo heleen 22 dhibcood, isla markaana ay goolal badan soo dhaliyeen.

Kooxda Ancelotti marka ay maanta kala baxaan Arsenal, waxa ugu xigi doona laba ciyaarood oo adag oo go’aanka halka ay horyaalka kaga dhamaysanayaan qayb weyn ka qaadan doona, waana Manchester United iyo Chelsea, taasina waxay keenaysaa in kulanka  maanta ay qaab naf hur ah u ciyaaraan maadaama ay Arsenal ka yara hoosayso labada naadi ee kale.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ay ka keeneen Arsenal iyo Everton, guul-darro lamay kulmin Gunners waxaanay soo heshay toban dhibcood oo ku yimid laba guulood iyo afar barbarro ah, laakiin Toffees ayaa dhinaca guulaha iyo dhibcahaba sarraysa, waxaanay soo heshay 11 dhibcood oo ay ku urursatay saddex guulood iyo laba barbarro ah, halka ciyaarta lixaadna laga badiyey.

Ka dib markii uu seegay ciyaartii Europa League ee Olympiacos, Mesut Ozil oo ilmo yar uu u dhashay ayaa la filayaa inuu hogaamiyo safka hore iyo khadka dhexe ee kooxda oo uu kusoo bilowdo, waxaana ka horreyn doona Nicolas Pepe, Lacazette iyo Aubameyang oo uu isaguna badhi-taari doono.

Gunners waxay dib u helaysaa khadkeeda dhexe ee Lucas Torreira oo kasoo laabtay xanuun, sidoo kalena waxa taam ah Hector Bellerin, Shkodran Mustafi iyo David Luiz oo diyaar u ah inay difaaca ka dagaalla aan.

Dhinaca kale, Everton waxa la filayaa inuu usoo laabto Fabian Delph oo ciyaartii hore ku seegay ganaax, waxaanay khadka dhexe wadaagi doonaan Shcneiderlin iyagoo u ogolaan doona Sigurdsson inuu hore u dhaqaaqo.

Theo Walcott oo dhaawac ah ayaan ka hortegi karin naadigiisii hore, waxase suurtogal ah in Alex Iwobi uu beddel kusoo galo amaba uu tababaruhu siiyo fursad uu kula dagaallamo naadigiisii hore ee Arsenal.