Tartanka LaLiga:- Kulanka Kooxaha Barcelona Iyo Real Betis?

Tartanka LaLiga:- Kulanka Kooxaha Barcelona Iyo Real Betis?
Tartanka LaLiga:- Kulanka Kooxaha Barcelona Iyo Real Betis?

Kooxda kubadda cagta Barcelona waxay caawa safar ugu tegaysaa naadiga Real Betis oo kaalinta 12aad kaga jira miiska kala sarraynta horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxaana Blaugrana ay raadin doontaa inay dib ugu soo laabato jidka guusha kaddib niyad-jabkii kasoo gaadhay semi-finalka Copa del Rey oo Athletic Bilbao ay 1-0 kaga reebtay.

Kooxda tababare Quique Setien oo saddex dhibcood ka dambaysa Real Madrid oo kaalinta koowaad fadhida, ayaa waxay ka hor tegi doontaa Betis iyadoo ogsoon natiijada ciyaarta kooxda ay xafiiltamaan ee Los Blancos oo saacado ka hor lasii ciyaari doonta Osasuna.

90-ka daqiiqadood ee ay ciyaartu socoto, waxay indhuhu si dhow ula socon doonaan dhaqdhaqaaqyada ciyaartoyga Barcelona oo soo qaatay toddobaad xanuun badan oo ay iskugu darsameen eedaymo ay warbaahinta isku mariyeen Lionel Messi iyo Eric Abidal, hase yeeshee Real Betis oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey hal kulan oo kaliya soo guuleysatay ayaa ku jirta xaalad aan ku habboonayn inay gasho ciyaar sidan u adag, waxaanay soo heshay lix dhibcood oo kaliya tan iyo Decmber 8 iyagoo dib ugu dhacay kaalinta 12aad ee miiska kala sarraynta LaLiga.

Ciyaartan waxa kale oo xamaasad usii yeeli doona tababare Quique Setien oo dib ugu laabanaya kooxdii uu ka tegay May 2019, taas oo xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey uu ku hoggaamiyey inay ka qayb-galaan Europa League, balse maanta marxaladdii oo kale kuma jiraan.

November 2018, Real Betis ayaa garoonka Camp Nou kusoo garaacday Barcelona 4-3, waxaanay shidaal ka dhigan doontaa niyad-samaantaas marka ay caawa kulmaan.

Dhinaca kale, Barcelona oo ku jirta darruuro khilaafyo ah oo taxan min heer ciyaartoy illaa maamul, ayaa waxa ruxaya hadal-haynta iyo xanta suuqa eek u saabsan mustaqbalka Lionel Messi oo cirka sii gashay markii uu u jawaabay Eric Abidal.

Ciyaartii ugu dambaysay ee ay marti noqoto horyaalka LaLiga, Barcelona waxay lasoo laabatay guul-darro xanuun badan, waxaanay ahayd January 25 oo ay Valencia kusoo karbaashtay 2-0, hase yeeshee waxay dib ugu soo laabteen jidka guusha kulankii Levante ay saddexda dhibcood kaga qaateen.

Barcelona waxay ku qasban tahay in ciyaartan ay badiso, haddii kale waxay fursad siinayaan Real Madrid oo ay suurtogal tahay inay hoggaanka ku qabato lix dhibcood oo nadiif ah.

Marka la eego natiijooyinka lixdii kulan ee ugu dambeeyey koox walba, horyaalka LaLiga, Real Betis waxay soo heshay hal guul oo kaliya, saddex barbarro ah iyo laba laga badiyey, laakiin Barcelona waxay soo guuleysatay saddex ciyaarood, laba barbarro ay soo gashay iyo mid alga badiyey.

Image result for Real Betis vs barcelona

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Real Betis waxay waayi doontaa adeeggii ciyaareed ee xiddigaha Juanmi, William Carvalho iyo Andres Guardado oo dhaawac ah iyo waliba ZOuhair Feddal oo ganaax ku maqanaanaya.

Borja Iglesias ayaa rajaynaya inuu kusoo bilaabmo weerarka hore oo uu kasoo hor maro Moron, hase yeeshee Nabil Fekir ayaa u diyaarsan in kooxda uu wato macallinkii hore ee kooxdiisa uu jilbaha dhulka u dhigo.

Barcelona waxa ciyaartan ganaax kaga maqan Gerard Pique oo liiska maqaneyaasha kula biiray Luis Suarez iyo Dembele oo dhaawacyo ah, laakiin waxa taam ah Antoine Griezmann oo rajaynaya inuu safka hore kusoo laabto kaddib kulankii Bilbao oo la nasiyey.