Home LA LIGA

Tartanka La Liga:- Kooxaha Real Betis Iyo Real Madrid Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka La Liga:- Kooxaha Real Betis Iyo Real Madrid Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka La Liga:- Kooxaha Real Betis Iyo Real Madrid Oo Wada Ciyaari Doona?

Ka dib guushii weynayd ee ay ka gaadhay Barcelona, Real Madrid waxay u tegaysaa Real Betis caawa iyadoo og inay u baahan yihiin guul si ay ugu soo laabtaan hoggaanka oo xalay ay Barca si ku-meelgaadh ah ugala sii wareegtay.

Kooxda Zidane oo bandhig fiican muujisay kulankii ugu dambeeyey oo ay kaga soo kabatay laba khasaare oo isku xigay oo ay kala kulantay Manchester City iyo Levante, waxay ciyaartoygeedu kalsoonida dib ugu helaan farxaddii Clasico iyo bandhiggii ay ku kasbadeen in Barcelona ay muddo dheer kaddib kaga adkaadaan garoonka Santiago Bernabeu, laakiin Zidane waxa horyaalla caawa imtixaan ah inuu meel iska saaro Betis oo kaalinta 14aad ku jirta, sial amrkaana 30 dhibcood kasoo urursatay 26-kii kulan ee ay soo ciyaartay horyaalka.

Image result for Real Betis vs Real Madrid

Toddoba ciyaarood oo kaliya ayay Real Betis soo guuleysatay xili ciyaareedkan socda, inta kalena waxay ahaayeen barbarro iyo guul-darrooyin loo xambaarinayey iyadoo lixdii kulan ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah soo helin, waxaana kooxihii ku istaagay ka mid ahaa Barcelona iyo Valencia oo isla garoonkoodan kaga badiyey.

Tani waxay sababaysaa inay nafta u huraan ciyaarta ay ku martigelinayaan Real Madrid oo dhibaatooyin dhinaca weerarka ah soo dhex-dabbaalatay xili ciyaareedkan, isla markaana 56 dhibcood kasoo urursatay 26 kulan oo ay dheeshay.

Real Madrid waxay ciyaartani uga dhigan tahay kulan xilli muhiim ah ugu soo aaday, kaas oo saddexdiisa dhibcood ay ka caawin doonaan inay ku laabtaan hoggaanka oo ay hal dhibic ka sare maraan Barcelona, sidoo kalena ay helaan kalsooni ay kaga daba iman karaan Manchester City oo lugtii hore 2-1 ku garaacday, usbuuca dambena ay ku ballansan yihiin Etihad Stadium.

Image result for Real Betis vs Real Madrid

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ay ka keeneen labada kooxood, Real Bets wax guul ah may soo helin, waxaana kaliya usoo hoyatay saddex dhibcood oo ugu yimid saddex barbarro ah iyadoo laga badiyey saddexda kalena. Laakiin Real Madrid ayaa afar kulan oo guulo ah, mid barbarro ah iyo ciyaar laga badiyey ay ahaayeen rikoodhka lixdii kulan ee ugu dambeeyey LaLiga.

Image result for Real Betis vs Real Madrid

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Real Betis waxa wali ka maqan Juanmi, wax kale oo walaac ah oo haysaana ma jiro iyadoo uu dib ugu soo laabtay Marc Bartra oo ganaax kasoo noqday.

Laacibka reer Portugal ee Willian Carvalho ayaa khadka dhexe ee kooxda hoggaamin doona, sidoo kalena waxa diyaar ah Sergio Canales, Joaquin iyo Moran.

Dhinaca Real Madrid, waxa dhaawac kaga maqan Isco, Dani Carvajal, Nacho iyo labadii laacib ee muddada  dheer maqnaa ee Marco Asensio iyo Eden Hazard.

Tababare Zidane ayaa sidoo kale ka yimid Luka Jovic kulankii labaad oo xidhiidh ah, waxaase liiska ciyaartoyga safray ku jiray Mariano Diaz oo gool ka dhaliyey Barcelona iyo da’yarka reer Brazil ee Rodrygo oo dib loogu yeedhay.