Tartanka La Liga:- Kooxaha Levante Iyo Real Madrid Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka La Liga:- Kooxaha Levante Iyo Real Madrid Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka La Liga:- Kooxaha Levante Iyo Real Madrid Oo Wada Ciyaari Doona?

Kooxda Levante ayaa marti gilineysa Real Madrid oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 25-aad ee horyaalka Spain.

Xogta Ku saabsan Kulanka Kooxaha Levante Iyo Real Madrid Ee Horyaalka La Liga?

Levante kaliya waxa ay badiyeen hal kulan 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Real la ciyaareen , laba bar bar dhac iyo 11 guul darro ay wataan.

Image result for Levante Vs Real Madrid

Levante oo garoonkeeda joogta , kaliya waxa ay Real ka badiyeen hal kulan ka dib 13 kulan oo ay wada ciyaareen , laba bar bar dhac iyo 10 guul darro ay wataan

Levante waxa ay badiyeen afar kulan oo qeyb ka ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay La Ligaha ee ay garoonkooda ku ciyaareen.

Real Madrid waxa ay bar bar dhac galen 8 jeer oo qeyb ka ah 24 kii kulan ee ay La Ligaha ka ciyaareen xilli ciyaareedkaan.