Tartanka La Liga:- Kooxaha Barcelona Iyo Eibar Oo Wada Ciyaari Doona?

Tartanka La Liga:- Kooxaha Barcelona Iyo Eibar Oo Wada Ciyaari Doona?
Tartanka La Liga:- Kooxaha Barcelona Iyo Eibar Oo Wada Ciyaari Doona?

Kooxda Barcelona ayaa marti galinaysa kooxda Eibar kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha si ay ugu sii jiraan kaalinta 2-aad ee horyaalka La Liga.

Image result for Barcelona vs Eibar

Kooxda Eibar ayaa dhanka kale doonaysa in ay ka badbaado ka hadhista horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo ku jira kaalinta 16-aad ee kala saraynta horyaalka.

Kooxda Eibar ayaa Barcelona ka hor tagtay kulamada ugu badan La Liga iyaga oo aan wax guul ah ka gaadhin taariikhda tartanka.

Image result for Barcelona vs Eibar

Kooxda Barcelona ayaa badisay dhamaan 5-tii kulan ee ay Eibar kula ciyaartay garoonka Camp Nou iyaga oo dhaliyay ugu yaraan 3 gool kulan kasta guud ahaana ka dhaliyay 19 gool.

Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan gool 48-kii kulan ee ugu dammbeeyay ee ay kooxda ka dhisan Basque la ciyaartay horyaalka La Liga.

Image result for Barcelona vs Eibar

Kooxda Barcelona ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay kadib markii ay kaliya hal kulan badiyeen 6-dii kulan ee hore.