Tartanka La Farax Walaalkaa Ee Baabuurta Yaryar Oo Ka Furmay Magaalada Hargeysa Xaafadee Ku Guulaysatay Furitaankii Tartankan?

Magaalada Hargeysa Waxaa Markii Ugu Horaysay Lagu Qabtay Tartanka Xaafadaha Ee Baabuurta Gaagaaban Waxaana Furitaankii Tartankan Ku Guulaysatay Darawalkii Ka Socday Xaafada Piipsiga.

Tartankan Oo Loogu Magac Daray La Farax Walaalkaa Ee Baabuurta Yaryar Waxaa Fikrada Iyo Qabashada Tartanka Iska Leh Mowliid Ceero Oo Ka Mida Dhalinyarada Ku Midowday Barnaamijka La Farax Walaalkaa Oo Noocyo Kala Duwan Qabta Sida Kubada Cagta Dayarta, Jiilka Cuslaaday Iyo Tartanka Baabuurta Oo Markii Ugu Horaysay La Qabtay.

Waxaa Furitaankii Ka Qayb Galay Afar Dirawal Oo Kala Matalayey Xaafadaha Xera Awr, Goljano, Shacabka Iyo Piipsiga.

Waxaa Kaalinta Koowaad Gashay Xaafada Piipsiga Oo Guushaasi uu u Soo Hooyey Darawal Jibriil Waxaana Kaalinta Labaad Gashay Xaafada Goljano Waxaana Guushaasi Ku Hogaamiyey Dirawal Cabdi Xaliib.

Waxaa Tartanka La Qaban Doonaa Todobaadkiiba Halmar Waxaana Tartanka Qayb Ka ah Xaafadaha Loo Soo Xulay Ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa Hoos Yimaada.

06-Shabcaan-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.