Tababare Pep Guardiola Miyuu Joogi Doonaa Mise Ka Tagi Doonaa Kooxda Man City Waakan Isagoo Ka Hadlay.

Tababare Pep Guardiola Miyuu Joogi Doonaa Mise Ka Tagi Doonaa Kooxda Man City Waakan Isagoo Ka Hadlay.
Tababare Pep Guardiola Miyuu Joogi Doonaa Mise Ka Tagi Doonaa Kooxda Man City Waakan Isagoo Ka Hadlay.

Tababare Pep Guardiola Oo Ka Hadlaayey inuu joogteynayo joogista Manchester City ilaa ay maamulka kooxda ka gaarayaan go’aan ay ku ceyrinayaan.

Macalinka reer Spain wuxuu doonayaa inuusan meelna uga dhaqaaqin garoonka Etihad Stadium, wuxuuna hadalkaan kusoo aadayaa xilli ay xalay kooxdiisa guul muhiim ah ka gaartay West Ham United.

Manchester City ayaa laba fasal ee soo socda laga ganaaxay tartamada yurub kadib markii lagu helay dambi ah iney jabisay xeerka dhaqaale wanaagga qaaradda yurub, balse waxey heystaan fursad ay kaga badbaadaan maadaama ay racfaan u gudbiyeen maxkamadda CAS.

Waxaa jira warar badan oo xan ah kuwaas oo tilmaamaya in Guardiola iyo qaar badan oo ka tirsan xiddigaha Manchester City ay isaga tagi doonaan kooxda hadii ay kooxda ku guuleysan weyso racfaanka ay ka qaadatay ganaaxa.

“Wali wax dhamaaday ma lahan, kooxda waxey aaminsan tahay iney tahay cadaalad darro, racfaan ayaana qadanay waa inaan sugno, Kaliya garoonka ayaan wax ku sameyn karnaa, waana inaan sameyno wixii aan sameynay afartii sano ee lasoo dhaafay sidoo kalana aan diirada saarno ilaa dhamaadka fasalka, 100% ayaan aaminsanahay kooxdeyda waxa ay sameysay, waxeyna ii sharaxeen sababta ay ku dhacday”

“Waxaan dooneynaa inaan u dagaalano, sidii aan ugu dagaalami jirnay ciyaar kasta, isla markaana aan wadajir ahaano ilaa dhaamadka fasalka, Waxaan rajeyneynaa in ugu dambeynta runta ay cadaato, fasalka dambana waan joognaa Champions League”

“Hadii aysan i ceyrin, waan joogi doonaa 100% in ka badan ebid, marka hore waxaan doonayaa inaan joogo, waa wax khaas ah, in ka badan heshiiska aan heysto” Ayuu Yidhi Guardiola.