Home BundesLiga

“Taasi Ma ahan Sida aan Ku Aqaano Bayern Munich” Neuer Ayaa Sidaasi Yidhi Ka Dib Wada Hadalkii Qandaraaskiisa Ee Kordhinta?

"Taasi Ma ahan Sida aan Ku Aqaano Bayern Munich" Neuer Ayaa Sidaasi Yidhi Ka Dib Wada Hadalkii Qandaraaskiisa Ee Kordhinta?

Goolhayaha qibrada leh ayaa doonaya inuu sii dheereysto joogitaankiisa Bavaria, laakiin kuma uusan faraxsaneyn sida looga hadlay wadahadalada heshiiska cusub loo dhigay dadweynaha.

Manuel Neuer ayaa weerar ku qaaday Bayern Munich ka dib wada hadalada qandaraaskiisa ay u wareegeen .

34-sano jirkan ayaa door muhiim ah ka lahaa himilada Bayern muddo ku dhow toban sano, isagoo ka caawiyay kooxda ka ciyaarta Bundesliga inay qaadaan 18 koob tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Schalke sanadkii 2011

Wuxuu geli doonaa sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Bavaria xilli ciyaareedka soo socda laakiin wuxuu isha ku hayaa inuu kooxda sii joogo, waxaana laga wada hadlay arrimo ku saabsan heshiiska cusub.