Taageereyaasha Liverpool Oo Qorsheeyey Dagaal Ay Ku Qaadaan Baska Ciyaartoyga Manchester United

Taageereyaasha Liverpool Oo Qorsheeyey Dagaal Ay Ku Qaadaan Baska Ciyaartoyga Manchester United

Taageereyaasha Liverpool ayaa la sheegay inay qorsheeyeen inay salaan cadowtinimo kusoo dhoweeyaan xiddiga United iyo baska ay saaran yihiin, waxaanay isasoo tubi doonaan dhinacyada jidadka soo gala Anfield taas oo la mid ah falkii ay kula kaceen ciyaartoyga Manchester City xili ciyaareedkii hore oo ay bashkii ciyaartoyga City dhagaxaan la dhaceen, dhaawacyana soo gaadheen qaar ka mid ah laacibiinta.

Barta bulshada taageereyaasha Liverpool ee Instagram ayaa lagu baahiyey wargelin ay markiiba in ka badan 70,000 qof soo raaceen oo loogu sheegay in laba saacadood ka hor ciyaarta ay iskugu yimaaddaan dibedda garoonka inta aanu baska ciyaartoyga United garoonka soo gelin

Farriintan cabsida kusii abuuraysa Manchester United, ayaa waxa ay keeni doontaa in amniga ay ciidamadu aad u sugaan, laakiin walaacu waxa uu yahay haddii baska wax lagu soo tuuri karo taasina ay waxyeellayn karto ciyaartoyga