Steven Gerrard Macalinka Kooxda Rangers Ayaa Soo Xushay Shaxda Xidigaha Ugu Fiican Ee Kubada Cagta Soo Ciyaaray?

Steven Gerrard Macalinka Kooxda Rangers Ayaa Soo Xushay Shaxda Xidigaha Ugu Fiican Ee Kubada Cagta Soo Ciyaaray?
Steven Gerrard Macalinka Kooxda Rangers Ayaa Soo Xushay Shaxda Xidigaha Ugu Fiican Ee Kubada Cagta Soo Ciyaaray?

Tababaraha kooxda Rangers ahna halyeeygii mudada dheer ee kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa soo xushay shaxda xiddigaha ugu fiican ee soo ciyaaray kubadda cagta mudadii uu noolaa iyadoo ay ku xidhnaayeen shuruudo muhiim ahi.

Horraantii toddobaadkan, khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jamie Carragher ahna saaxiibkii Gerrard ee Liverpool ayaa dadka kala socda Twitter-ka ku xujeeyay inay soo xushaan shaxda ugu fiican aragtidooda ee mudada ay noolaayeen.

Shuruuda uu Carragher ku xidhay shaxaha lasoo xulanayay ayaa ahaa inaan qofku hal qof wax ka badan kasoo dooran karin kooxda uu usoo ciyaaray ama qarankii uu soo matalay.

Gerrard ayaan ka farxinin mucaashaqiinta Cristiano Ronaldo isagoo si layaab leh waliba booskii Ronaldo ugu xushay Kylian Mbappe oo aan wax badan kubadda cagta kusoo jirin.

Gerrard ayaa booska goolka kasoo dhigtay Jan Oblak oo Atletico Madrid ka tirsan, Oblak ayaa door weyn ku lahaa in Atletico Madrid ay xilli ciyaareedkan UEFA Champions League ka cidhib tirto kooxda uu Gerrard halyeeyga u yahay ee Liverpool.

Steven ayaa daafaciisa dhexe ku mideeyay laba quwadood oo waaweyn waana kabtankii Man City ee Vincent Kompany iyo mayal adkaha Napoli ee Kalidou Koulibaly, Gerrard ayaa daafaciisa midig kasoo dhigtay halyeeygii Brazil ee Cafu halka uu daafaca bidix ka dhigay Andy Robertson oo ah xiddiga kaliya ee uu Liverpool kasoo xushay.

Tababaraha Rangers ayaa khadkiisa dhexe ka dhigay Toni Kroos oo Real Madrid wacdarro ku dhigay iyo ninka ay Man United kusoo wada xifaaltameen ee Roy Keane halka uu No.10 u doortay halyeeygii Juventus iyo Talyaaniga ee Del Piero.

Saddexda weerarka ah ee Ronaldo la’aanta ah ayay garbaha u yihiin Lionel Messi oo uu Gerrard taageere weyn u yahay, Kylian Mbappe oo da;yaraan wacdarro ku dhigaya iyo geesigii Chelsea ee Didier Drogba oo weeraryahanka dhexe ah.

Image