Sky Sports Oo Shaacisay Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Ku Saabsan Lionel Messi Kooxda Barcelona.

Sky Sports Oo Shaacisay Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Ku Saabsan Lionel Messi Kooxda Barcelona.
Lionel Messi Oo Looga Digay Inuu Tago Horyaalka Premier League Yaase Yidhi Arinkaasi.

Kanaalka xog ogaalka ah ee Sky Sports oo ka faalooday warkii ugu dambeeyay ee xaalada kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay waxa uu haatan ku fikirayo iyo haddii uu bixitaan dhab ah isku diyaarinayo.

Sky ayaa qalbiga u qaboojiyay jamaahiirta kooxdaas ee werwerka weyni ka hayay mustaqbalka Messi sidoo kalena shaaca ka qaaday war aan u wanaagsanayn kooxaha ku riyoonayay saxeexiisa xagaaga soo socda.

Il wareedkaas ayaa xusay in shaqsiyaad ku dhaw dhaw Messi ay u sheegeen inuusan ka fikirayn inuu ka baxo Camp Nou xagaagan balse uu ugu yaraan dhammaysan doono qandaraaskiisa gaadhsiisan ilaa 2021 badhtamihiisa.

Heshiiska Messi oo ah mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedka dambe ayuu sidoo kale fursad u haystaa inuu heshiis kordhin cusub kala xaajoodo maamulka kooxdaas.

Sidoo kale waxa intaas dheer in qandaraaska 32 sano jirkan uu ku jiro qoddob layaab leh kaas oo ah in loo ogol yahay inuu kooxda qaab lacag la’aan ah kaga tago xilli ciyaareed kasta dhammaadkiisa haddii uusan farxad dareemayn.

Barcelona star Lionel Messi

Walow murankii dhex maray Abidal iyo Messi uu ahaa mid laga xusay dalalka England, France, Italy iyo xataa Argentina lana sheegay inuu dalalkaas midkood ka ciyaari doono haddana saxaafada Spain ayaa markasta hoos u dhigaysay wararkaas.

Ugu dambayn, Sky Sports ayaa sheegaya in Messi uu dareensanaa inuu ku qasbanaa inuu eedaymihii Eric Abidal ka difaaco xiddigaha kooxdiisa isla markaana uu aaminsan yahay in maamulka kooxdu ay ku qaldan yihiin inay saxaafada ka eedeeyaan ciyaartoyda.