Sky Sports: Chelsea ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Kai Havertz, Ben Chilwell iyo Thiago Silva.

Sky Sports: Chelsea ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Kai Havertz, Ben Chilwell iyo Thiago Silva.

Chelsea ayaa u muuqata inay si waali ah uga adeeganayso suuqa kala iibsiga Isbuucaan.

Kadib markii ay horey u xaqiijiyeen saxiixyada Hakim Ziyech oo ka yimid Ajax, Timo Werner oo ka yimi RB Leipzig, iyo wiilka ay sida xorta ku heleen oo isna kooxda Barcelona ka yimi ee Xavier Mbuyamba, Chelsea ayaa ku dhow inay lasoo saxiixato seddex saxiix oo dheeri ah.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Chelsea ayaa haatan qarka u saaran inay Kai Havertz kala soo wareegto kooxda Bayer Leverkusen, Ben Chilwell oo ay ka soo qaadato Leicester City, iyo weliba Thiago Silva oo ay si xor ah ugala soo wareegi doonan ​​PSG maadaama uu dhacay qandaraaskii uu kula jira PSG.

chelsea hadii ay helaan saddexdan xidig waxay noqon doontaa koox u tartami karta horyaalka cili-ciyaareedka soo aadan ee 2020/2021.