Home Premier League

Sidii Loo Qorsheeyey Miyuu Ku Dhamaan Karaa, Mise Xaaladu Waa Sii Xumaan Doontaa Sarkaal Ka Tirsan Kooxaha Premier League Ayaa La Hadlay Sky Sports?

Sidii Loo Qorsheeyey Miyuu Ku Dhamaan Karaa, Mise Xaaladu Waa Sii Xumaan Doontaa Sarkaal Ka Tirsan Kooxaha Premier League Ayaa La Hadlay Sky Sports?
Sidii Loo Qorsheeyey Miyuu Ku Dhamaan Karaa, Mise Xaaladu Waa Sii Xumaan Doontaa Sarkaal Ka Tirsan Kooxaha Premier League Ayaa La Hadlay Sky Sports?

Sarkaal sare oo ka mid ah kooxaha Premier League ayaa bixiyay inta ay leegtahay fursada ay ku filayaan in kulamada Premier league ay dib u bilaami doonaan April 4 kadib go’aankii uu maanta maamulka Premier league ku hakiyay xili ciyaareedka horyalaka Ingiriiska.

Sarkaal aan magiciisa la sheegin ayaa bixiyay boqolkiiba fursada ay ka filayaan in muddada la hakiyay horyaalka Premier leauge ay wax ku xalismi doonaan wuxuuna shaaciyay in muddo ka badan loo baahan yahay oo la kordhin doono.

Wariyaha Sky Sports ee Kaveh Solhekol ayaa shaaciyay in sarkaal sare oo kooxaha Premier Leauge ka tirsna oo uu magiciisa qariyay uu u sheegay in boqolkiiba 75% fursad ah ay ka filayaan in xili ciyaareedkani uu sidii loo qorsheeyay u dhamaan doono.

Waxa uu sarkaalkani muujiyay walaac ah in boqolkiiba 25% ay filayaan in xili ciyaareedka Premier League aanu dhamaystirmi doonin halista coronavirus awgeed.

“Ma arkayo wax fursad ah oo aan ku soo laaban karno saddex todobaad gudahood. Tani waxay socon doontaa bilo” ayuu sarkaalkani ku shaaciyay in muddada la hakiyay Premier League la kordhin doono.

Waxaa la kansalay kulamadii la ciyaari lahaa labada todobaad ee soo socda ee Premier leauge laakiin sida uu sarkaalkan magaciisa la qariyay sheegay muddadan ayaan ku filnayn in halista corona virus lagula tacaalo.

Ilaa hadda horyaalka Premier leauge si rasmi ah looguma kala bixin saddexda qaybood ee ugu muhiimsan oo kala ah ku guulaysiga koobka, kaalmaha Champions League iyo Europa league loogu soo baxo iyo waliba kaalmaha saddexda ugu hooseeya ee heerka labaad u dhaca.

Sidaa daraadeed, waxaa hadhsan qaybtii ugu muhiimsanayd ee xili ciyaareedka premier Leauge waxaana hadda la sugayaa in marka hore la qiimeeyo xaalada UK ee cudurka corona virus si ilaa April 4 loo ogaado in xaaladu ay isbadali karto.

Laakiin haddii ay xaaladu sii xumaato oo ay ka soo rayn waydo waxaa hubaal ah in la kordhin doono muddada hakadka la galiyay horyaalka Premier league taas oo sii xumayn karta jadwalkii kubbada cagta England ay hore u dhigatay.

Liverpool ayaa lix dhibcood oo kaliya uga baahan dhamaan kulamada baaqiga ka ah Premier league si ay koobka u xaqiijistaan laakiin tartanka ugu adag ayaa ah kan kaalmaha Champions Leauge loogu soo baxayo iyo kaalmaha horyaalka looga hadho kuwaas oo la filayo in maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysa laysla gaadhi doono.