Sideebuu Ahaa Wakhtiyadii Adkaa Ee Garoonka Santiago Bernabeu Waakan Goolhaye Thibaut Courtois Oo Arinkaasi Ka Hadlaaya.

Sideebuu Ahaa Wakhtiyadii Adkaa Ee Garoonka Santiago Bernabeu Waakan Goolhaye Thibaut Courtois Oo Arinkaasi Ka Hadlaaya.
Sideebuu Ahaa Wakhtiyadii Adkaa Ee Garoonka Santiago Bernabeu Waakan Goolhaye Thibaut Courtois Oo Arinkaasi Ka Hadlaaya.

Goolhayaha Real Madrid, Thibaut Courtois ayaa ka hadlay waqtiyadii adkaa ee ku soo maray Santiago Bernabeu bilowgii waayihiisa Los Blancos oo dhalliilo badan loo jeedinayey.

Courtois ayaa bandhig cajiib ah samaynayay xili ciyaareedkan, waxaana uu shabaqiisa ka ilaaliyey in kubbadi taabato siddeed ka mid ah 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, iyadoo uu badbaadino fiican sameeyey ciyaartii Real Valladolid ee usbuucan oo ay kooxdiisu 1-0 ku adkaatay.

Image result for Thibaut Courtois

Thibaut Courtois oo u warramay telefishanka kooxdiisa ee Real Madrid TV, ayaa waxa uu sheegay in ciyaaryahannada Real Madrid uu mar walba saaran yahay cadaadis sabab u noqda inay guulo  gaadhaan, isaguna uu lahaa awood uu kaga soo gudbay waqtiyadii adkaa.

“Waxay ahayd inaan yeesho awood aan kaga soo gudbo waqtiyadii adkaa. Si la mid ah markii aan ahaa 20 jirka. Wax walba waxaad ka bilaabaysaa qalbiga, laakiin waad baranaysaa.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Thibaut Courtois.

Goolhayaha hore ee Chelsea waxa uu xusay in uu ku riyoonayo in tartanka Champions League iyo LaLiga uu kula guuleysto Real Madrid, waxaanu yidhi: “Inaad ciyaartoy Real Madrid ah ahaato waa muhiim, wax walbaana waa muhiim halkan sida ciyaar kasta, tababar kasta. Halkanna waxa ka jira cadaadis ay tahay inaad garato sida aad u qaadanayso Xaqiiqdii, waxaan u dagaallamayaa inaan ku guuleysano Champions League iyo LaLiga Santander, inaan kula guuleysto Real Madrid na waa halkii ugu sarraysay.”

Image result for Thibaut Courtois

Courtois waxa uu faahfaahiyey culayska saaran ciyaaryahannada Real Madrid iyo sida ay waajibka ugu tahay inay guuleystaan, isaguna uu shaqsiyan doonayo in uu noqdo goolhaye weyn oo taariikhda lagu xasuusto, waxaanu yidhi.

“Marka aad joogto Madrid, marna ma raaxaysan kartid, mana degganaan kartid Marka aad funaanaddan xidhato, waad ogtahay cadaadiska kusoo fuulaya, waana sababta ay koobab badan ugu guuleysteen. Waxaan rajaynayaa in laygu xasuusan doono goolhaye weyn iyo qof wanaagsan. Waxaan filayaa inaan ku guuleysan doono koobab, sidoo kalena waxaan ku hamiyayaa inaan ka tago muuqaal qof wanaagsan iyo ciyaartoy wanaagsan.”