Sidee Real Madrid u Noqon Kartaa Koox Iska Lumisa Hanashada Horyaalka La Liga?

Sidee Real Madrid u Noqon Kartaa Koox Iska Lumisa Hanashada Horyaalka La Liga?
Sidee Real Madrid u Noqon Kartaa Koox Iska Lumisa Hanashada Horyaalka La Liga?

Kooxda Real Madrid ayaa si wayn xili ciyaareedkan loogu saadaalinayay in ay soo afjari doonaan koobabkii xidhiidhka ahaa ee ay Barcelona ugu soo guulaysanaysay horyaalka La Liga waxaana saadaasha la sii xoojiyay markii ay Barca gashay xaalada waalida ah ee qalalaasihii Valverde galaaftay.

Laakiin waxay markale u muuqataa in tartanka koobka horyaalka La Liga uu noqonayo mid ka xamaasad badan sidii markii hore la filayay oo ay Real Madrid iyo Barcelona isla gaadhi karaan maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysa.

Laakiin wargayska Marca ee ka soo baxa magaalada Madrid ayaa walaac xoogan ka muujiyay halka arin ee ay aaminsan yihiin in uu Real Madrid galaafan karo kaas oo ah qaab ciyaareedkooda Santiago Bernabeu ee xili ciyaareedkan.

Kadib barbarihii niyadjabka lahaa ee ay Real Madrid xalay la gashay kooxda Celta Vigo oo marti ku ahayd Bernabeu, waxaa muuqatay in dhibaatada Madrid ee xili ciyaareedkani ay tahay Bernabeu mar kasta oo ayna xaalad fiican ku jirin.

Real Madrid waxay xili ciyaareedkan Estadio Santiago Bernabeu ku lumisay 8 dhibcood waana kulamo ay la ciyaartay kooxo loo arkayay in ay si sahlan ku guulaysan kareen balse waxaa arintan sii xoojiyay in Barcelona lafteeda oo rekoodh layaableh ku soo lahayd Bernabeu ay kulanka El Clasico-da labaad Madrid xaaladan ku sii xumayn karto.

Xili ciyaareedkan waxaa Real Madrid garoonkeeda Bernabue ku garaacay ama babraro ku qabtay kooxaha kala ah Real Valladolid, Club Brugge, Paris Saint-Germain, Real Betis, Athletic Club iyo Celta Vigo, waana xog hoos u dhigaysa niyadsamaantii taageerayaasha Madrid.

Real Madrid waxay Bernabeu ku soo dhawayn doontaa kooxda Manchester City oo labada xili ciyaareed ee soo socda laga ganaaxay Champions League kuwaas oo hadda awooda ugu badan iskugu gaynaya in ay koobkan sii hantaan ka hor ganaaxooda.

Hogaankii Real Madrid ee La Liga waxa uu ku soo yaraaday hal dhibic oo kaliya waxaana hadda loo arkaa in Barcelona ay ka soo yara kabsanayso musiibadii ay ku soo jirtay taas oo tartankii La Liga ee inta ugu badan Madrid loo saadaalinayay soo yaraysay.

Real Madrid waxay booqan doontaa kooxda Levante ka hor inta ayna Manchester City soo dhawayn, waxaana la sugayaa waxa dhici doona xiliyada soo socda.

Xogta Bernabeu ee xili ciyaareedkan ayaa ah wax walwal ku abuurtay taageerayaasha Madrid iyada oo dhibcihii ugu badnaa ay Madrid xili ciyaareedkan garoonkeeda ku lumisay inkasta oo ay ka soo faa’iidaysteen xaaladihii liitay ee Barcelona iyo Atletico Madrid.

Si kastaba ha ahaateed, Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa dagaal adag u gali doona sidii ay halka dhibic ee hogaanka La Liga u sii adkaysan lahaayeen taas oo haddii ay sii adkaystaan kulanka Bernabeu ee El Clasico-da ka dhigi doonta kulan final ah oo si wayn wax u go’aamin kara.