Sidee Kooxda Chelsea Ugu Suurto Gali Kartaa Soo Xero Gelinta Sadex Ciyaartoy Oo Aad Kooxda Loogu Hadal Hayo.

Sidee Kooxda Chelsea Ugu Suurto Gali Kartaa Soo Xero Gelinta Sadex Ciyaartoy Oo Aad Kooxda Loogu Hadal Hayo.
Sidee Kooxda Chelsea Ugu Suurto Gali Kartaa Soo Xero Gelinta Sadex Ciyaartoy Oo Aad Kooxda Loogu Hadal Hayo.

Kooxda tababare Frank Lampard ee Chelsea ayay tahay inay tix geliso xaqiiqada ah in weeraryahanka kooxdeeda ee Tammy Abraham oo kulamo dhawr ah dhaawac kaga maqnaan karo kaddib markii laga saaray kulankii ay Arsenal la yeesheen dhawaan.

Abraham ayaa isaga oo dhaawac ka muuqdo iskaga baxay kulankaas waxaana uu Lampard oo saxaafada la hadlay sheegay inuusan garanayn wakhtiga uu soo laaban doono walow uu farxad ka muujiyay inaan wax jabniin ahi jirin.

Haddaba, Iyadoo ay maalmo koobani ka hadheen suuqa kala iibsiga ee bisha January ayaa saddexda weeraryahan ee ay Blues fursada ugu weyn u haystaan saxeexooda lagu sifeeyay Luka Jovic, Edinson Cavani iyo Moussa Dembele.

Jovic ayaa xagaagii ku biiray kooxda riyadiisa ee Real Madrid kaddib xilli ciyaareedk qurxoon oo uu lasoo qaatay Eintracht Frankfurt, Go’aankaas ayaan xiddiga ree Serbia si fiican ugu shaqayn maadaama tababare Zinadine Zidane uusan la dhacsanayn oo uusan fursad fiican siinin.

Cavani ayaa xilli horeba warqada codsiga bixitaankiisa gacanta ka saaray Paris Saint-Germain waxaa uu Chelsea kusoo kordhin karaa khibrad iyadoo uu Abraham wax ka baran karo laakiin dhibta Chelsea ayaa ah in Atletico Madrid ay u muuqato kooxda ku dhaw saxeexiisa.

Sidoo kale Dembele ayaa dhinaca Lyon kaga soo biiri kara Chelsea walow aysan u muuqan kuwo u doonaya sidii maalmihii ugu horreeyay ee suuqa haddana wada xaajoodka ayaa dib u furmi kara, Lyon ayaa sheegtay inaysan doonayn bixitaanka Dembele balse lacag ay Chelsea bixiso ayaa noqon karta mid wax walba xalisa.