Home LA LIGA

Sidee Kooxda Barcelona Ugu Diyaar Garowday Kulanka Kooxda Real Mallorca.

Sidee Kooxda Barcelona Ugu Diyaar Garowday Kulanka Kooxda Real Mallorca.
Sidee Kooxda Barcelona Ugu Diyaar Garowday Kulanka Kooxda Real Mallorca.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa war fiican ka helay tababarkii kooxdiisa ee maanta waxaana u soo laabtay laba xidig oo muhiim u noqon kara kulanka sabtida ee Real Mallorca.

Barcelona ayaa si wayn uga faa’iidaysatay guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay Real Betis waxayna hadda ku jiraan hogaanka La Liga balse waxay marakale kulan adag ku wajihi doonaan kooxda Real Mallorca oo hore Real Madrid guuldaro u baday.

Tababare Quique Setien ayaa tababarkii maanta ee kooxdiisa dib ugu soo dhaweeyay Samual Umtiti iyo Ivan Rikatic oo shalay ka maqnaa waxayna kooxdiisa u yihiin xoojin ka hor kulanka Mallorca.

Iyada oo Clement Lenglet uu seegayo kulanka Real Mallorca, soo laabashada Samuel Umtiti ayaa muhiim u ah kooxda Quique Setien ee  Barcelona maadaama oo uu ka soo kabsaday dhibaato uu jilibka ka dareemayay.

Umtiti ayaa tababarkii shalay ku seegay dhibaato uu ka dareemayay jilibka laakiin maanta oo arbaca ah waxa uu tababarkii kooxdiisa dhamaystay isaga oo aan dhibaato dareemin.

Tababare Quique Setien ayaa tababarkii maanta ee kooxdiisa ku soo daray ciyaartoyda Barca B ee  Morer, Ronald Araujo, Chumi, Monchu, Riqui Puig iyo Collado laakiin  Ansu Fati oo muddadii uu Setien kooxda maamulayay hoos u dhacay ayaa tababarkii maanta qayb ka ahaa.

Laakiin waxa uu shaki hadheeyay kulanka ay Barcelona sabtida la ciyaari doonto kooxda Real Mallorca waxaana jira shir ay xidhiidhka kubbada cagta iyo maamulka La liga ay kulan yeelanayaan si labada todobaad ee soo socda kulamada La Liga garoomo madhan loogu ciyaari lahaa.