Sidee Ayuu Noqon Doonaa Bartilmaameedka Kooxda Real Madrid Ay Ku Doonayso Sadio Mane u Dhashay Wadanka Senegal?

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Bartilmaameedka Kooxda Real Madrid Ay Ku Doonayso Sadio Mane u Dhashay Wadanka Senegal?
Sidee Ayuu Noqon Doonaa Bartilmaameedka Kooxda Real Madrid Ay Ku Doonayso Sadio Mane u Dhashay Wadanka Senegal?

Kooxda caasimada Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay bar-tilmaameedkeeda koowaad ka dhigatay garabka Liverpool ee Sadio Mane isla markaana ay doonayso inay ka dejiso Estadio Santiago Bernabey suuqa xagaaga.

Mane ayaa xilli ciyaareedkan kamid ah xiddigaha ugu cad cad kooxda qarka u saaran hanashada Premier League kaddib markii uu xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay inay ku guuleystaan UEFA Champions League.

Qaab ciyaareedkiisii labadii sano ee ugu dambeeyay ayaa la aaminsan yahay inay yihiin kuwa aadka usoo jiitay macalinka Real Madrid ee Zinadine Zidane kaas oo sida laga warqabo si weyn ula dhacsan taageerena u ah Mane.

Zizou ayaa doonaya inuu xiddiga heer caalami ee xulka Senegal u qaado Bernabeu iyadoo ay Los Blancos gaadheen heer ay xataa wakiiladiisa ku wargeliyaan xiisahooda.

Real Madrid ayaa kalsooni buuxda ku qabta inuu Sadio xagooda usoo dhaqaaqi karo si uu iskugu dayo tartan cusub oo xirfadiisa ciyaareed ah waana sababta ay u qorshaynayaan sidii ay xagaaga ku heli lahaayeen.

Heshiiska Mane uu ku joogo Anfield ayay wali ka hadheen saddex sano waana sabab ku qasbi doonta koox kasta oo xiiso u muujisa inay bixiso lacago aad u badan haddii ay doonayso iibkiisa.

Sida lagu sheegay wargeyska Mirror, Liverpool ayaa Mane dul dhigtay xagaaga soo socda lacag dhan 130 ilaa 140 Milyan oo Pound haddiiba ay u ogolaanayaan inuu baxo.

Ugu dambayn, 27 sano jirkan oo xilli ciyaareed kale oo weyn dhexda kaga jira ayaa 14 gool markale kasoo dhaliyay horyaalka Premier League iyadoo ay xusid mudan tahay inuu kabta dahabka ah ee gool dhalinta hantay xilli ciyaareedkii hore.