Sida uu Qoray Wargeyska The Telegraph Waa Kee Ciyaartoyga Ka Tagi Kara Kooxda Liverpool.

Sida uu Qoray Wargeyska The Telegraph Waa Kee Ciyaartoyga Ka Tagi Kara Kooxda Liverpool.
Sida uu Qoray Wargeyska The Telegraph Waa Kee Ciyaartoyga Ka Tagi Kara Kooxda Liverpool.

Saddex kooxood oo ka dhisan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku loollmaya mid ka mid ah xiddigaha Liverpool, kaas oo ay doonayaan inay ku qaataan heshiis xor ah.

Cidina shaki ma gelin karto in ciyaartoyga Liverpool ay si aad ah ugu dhow yihiin tababarahooda Jurgen Klopp, ayna doonayaan inay waqti dheer kula sii qaataan garoonka Anfield si ay ugula guuleystaan koobab, hase yeeshee danaha shaqsiga ah ayaa ah caqabad kala kaxayn karta qaar ka mid ah ciyaartoyga iyo tababaraha.

Marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga, waxa jiri doona hadal ku saabsan saabsan ciyaaryahannada ka tegaya Liverpool ee ay kooxaha kale qaadan doonaan, kuwaas oo isugu jiri kara kuwo heshiisyadoodu dhamaadeen iyo qaar ay dhow yihiin xilliga uu dhacayo qandaraaskooda Anfield.

Sadio Mane, Roberto Firmino iyo ciyaartooyo kale oo uu heshiisyaadooda ay 18 bilood ka hadhsan yihiin, Jurgen Klopp ayaa miiska la fadhiisan doona si uu uga dhaadhiciyo inay saxeexaan heshiis cusub, laakiin qaar kale ayaa xor u noqon doona inay dhegaystaan dalabyada kooxo kale oo ay si xor ah ugu biiri doonaan.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, laacibka khadka dhexe ee Adam Lallana oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xili ciyaareedkan, ayey u badan tahay inuu ka tago Anfield oo aanu boos joogto ah ku haysanin, waxaana ku loollamaya oo haddaba damacooda la ogyahay kooxaha Arsenal, West Ham, Tottenham iyo Leicester City.

32 jirkan reer England, waxa uu wargeysku sheegay inay u badan tahay inuu Leicester City kula midoobo tababarihii hore ee Liverpool ee Brenden Rodgers.

Dhawrkii xili ciyaareed ee ugu dambeeyey, kaliya waxa uu Lallana u saftay Liverpool 20 ciyaarood oo horyaalka Premier League, inta badanna waxa uu bannaanka u joogay dhaawacyo kusoo noqnoqday oo uu awoodi waayey inuu si buuxda taam uga noqdo.