Home Premier League

Sida Ay Wararkan Sheegayaan Olivier Giroud Ayaa Kooxda Chelsea La Furtay Wada Hadalo Heshiis Cusub ah?

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo heshiis cusub ah la furtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Olivier Giroud sida ay sheegayaan wararku.

Intii badnayd ee xilli ciyaareedkan Olivier Giroud ayaa naftiisa ka helay kaydka taas oo keentay in uu xiddiga reer France ku dhawaado in uu ka tago kooxda suuqii Janary.

Laakiin inkasta oo uuna mustaqbalkiisu kala cadayn xiddiga ayaa ku bilowday dhawr kulan ka hor intii aan horyaalka premier League loo joojin xanuunka Coronavirus.

Wargayska football.london ayaa sheegaysa in ay chelsea wadahadalo kula jirto xiddiga iyaga oo doonaya in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga.

Sida ay arimuhu haatan yihiin xiddiga 33 jirka ah ayaa xor noqon doona 1 bisha July inkasta oo si toos ah heshiis cusub ugu saxiixi karo ilaa inta uu ka dhamaan doono xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in uu Giroud diyaar u yahay in uu Aqbalo in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo 12 bilood ah si uu u sii joogo kooxda chelsea.