Home Premier League

Shirka Maanta Ee Maamulka Premier League Maxaa Mudan Oo Looga Hadli Doonaa?

Shirka Maanta Ee Maamulka Premier League Maxaa Mudan Oo Looga Hadli Doonaa?
Shirka Maanta Ee Maamulka Premier League Maxaa Mudan Oo Looga Hadli Doonaa?

Maamulka Premier League ayaa maanta shir deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda cusub ee soo waajahday ciyaaraha dalkaas iyo sida ay suurtogal u noqonayso in la dhamaystiro horyaalka Premier League ee hakadka la geliyey muddada bisha ah.

Dhamaan ciyaaraha Premier League ee la joojiyey ayaa hore loogu qorsheeyey in dib loo bilaabo 4 April, laakiin xanuunka Coronavirus ee sababtiisa hakadka loo geliyey ayaa kusii faafaya guud ahaan dunida, gaar ahaanna UK oo kiisas badan oo cusub laga diiwaangeliyo maalin kasta, waxaanay taasi keenaysaa walaac hor leh iyo su’aal la iska weydiinayo sida ay suurtogalka ku noqonayso in ciyaaruhu sii socdaan, maadaama xattaa laacibiinta qaarkood laga helay caabuqa, kuwaas oo ay suurtogal tahay inay usii gudbiyaan ciyaartooyada kale ee ay ka hor tagaan.

Maanta oo khamiis ah, waxa kulan yeelanaya maamulka Premier League iyo guddoomiyeyaasha kooxaha, laakiin kulankoodu waxa uu ahaan doonaa mid dhinaca khadka telefoonnada ama Muuwaal-daawasho (Video-conference) ah, maadaama taxadar dheeraad ah ay kaga jiraan caabuqa Coronavirus.

Waxa la fahamsan yahay in maamulku ay doonayaan in kooxaha ay ku wargeliyaan go’aan ah in dhamaan kulamada lagu ciyaari doono garoomo madhan, sidoo kalena la samayn doono ka hor inta aanay ciyaartoygu garoonka soo gelin baadhitaano caafimaad oo lagu hubinayo xaaladda bad-qabka ciyaaryahannada.

Premier League waxay ku adkaysanayaan in horyaalka la dhamaystiro, qaab ka duwan sidii caadiga ahaana loo qorsheeyo ciyaaraha, tusaale ahaan, in kulamadu noqdaan kuwo xidhiidh ah oo aan waqti badan la kala fogeynin.

Si kastaba ha ahaatee, marka kulanka maanta uu soo dhamaado, ayaanu idiin soo gudbin doonaa go’aamada soo baxa iyo sida horyaalka Premier League loo dhamaystiri doono.