Home Premier League

Shaxdan Kaga Bogo Khasaaraha Koox Kasta Oo Horyaalka PL ah Ka Tirsan Haddii Horyaalka La Joojiyo?

Shaxdan, Kaga, Bogo, Khasaaraha, Koox, Kasta, Oo, Horyaalka, PL, ah, Ka, Tirsan, Haddii, Horyaalka, La, Joojiyo?

Shaxdan Kaga Bogo Khasaaraha Koox Kasta Oo Horyaalka PL ah Ka Tirsan Haddii Horyaalka La Joojiyo?
Shaxdan Kaga Bogo Khasaaraha Koox Kasta Oo Horyaalka PL ah Ka Tirsan Haddii Horyaalka La Joojiyo?

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa dhamaantood geli doona khasaareyaal waaweyn oo lacageed haddii horyaalka laga dhigo waxba kama jiraan oo lagu joojiyo halka uu hadda taagan yahay.

Horyaalka sannadkan oo ay 25 dhibcood ku hoggaaminayso Liverpool oo u baahan laba guulood oo kaliya, waxa saaran darruuro mugdi ah oo aan la ogeyn xilliga dib loo bilaabi doono, balse ayaa dirqi kaga baxsatay inay gasho fadeexad u horseedda inay lumiso taageereyaal, gudaha ingiriiskana lagala colloobo ka hor intii aanay ka laabannin, mowqifkii ay Liverpool qaadatay ee ay shaqaalaheeda cunaha ku qabatay ayaa noqday mid lala yaabay, laakiin taas waxay ka noqotay markii ay la kulantay culaysyo waaweyn oo kaga yimid taageereyaasha, ciyaartoygeedii hore iyo dhinaca dawladdaba.

Liverpool waxay sidaas ku bixin doontaa mushaharka shaqaalaheeda, balse waxa go’aankan kaga horreysay Manchester City oo iyadoo ku diganaysa Reds sheegtay in aan iyada laga filan karin inay samayso go’aan noocaas oo kale ah oo ay shaqaalaheeda mushaharka kaga jarayso siddeetan boqolkiiba.

Sheikh Mansour oo iska leh Manchester City, waxa hantidiisa lagu qiyaasay in qiimaheedu yahay £24 bilyan, balse Liverpool oo sannadkii hore shaacisay in £42 milyan oo faa’iido ah ay heshay markii ay ku guuleysatay Champions League ayay iyadana iska leeyihiin maal-qabeenno Maraykan ah.

Sidaas oo kale, Manchester United ayaa mulkiileyaasheedu yihiin qoys caan ah oo Maraykanka u dhashay oo hantiileyaal ah, halka Chelsea uu Ramon Abromavic oo Ruush ah, hantisiisana lagu qiyaaso in ka badan £10 bilyan oo Gini uu leeyahay.

Haddaba, haddii horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan la kansalo, khasaare intee le’eg ayaa soo gaadhaya dhamaan 20-ka kooxood, koox kasta se side ayay arrintani u saamaynaysaa.

Lacagta ugu badan ee ay waayayaan waxay ahayd tii ka imanaysay xuquuqda baahinta TV-yada, waxaana figta sare saarnaan doona kooxaha EEverton, Crystal Palace iyo Brighton oo waayi doona sida ay u kala horreeyaan £32.2 milayn, £31.9 milyan iyo £23.9 milyan.

Norwich City ayaa iyadana uu ku dhici doonaa jab weyn oo aanay kasoo waaqsan karin sannado oo ah inay lumin doonto £38.8 milyan oo lacagtan ah.

Laakiin dhamaan kooxahan, waxa khasaaraha kaga badan Manchester United, Manchester City iyo kooxaha waaweyn oo maadaama ay kulamadoodu ka baahin badnaayeen ay lacagta ka maqnaanaysaa ka badan doonto.

Sidoo kale, waxa naadiyadu waayayaan lacagihii ay ka heli jireen iibka tigidhada iyo ganacsiyadii kale ee u socday.

Shaxdan Kaga Bogo Khasaaraha Koox Kasta Oo Horyaalka PL ah Ka Tirsan Haddii Horyaalka La Joojiyo?