Shaxdan Ayaa Telefishanka Sky Sports u Soo Xushay Kooxdii Ugu Fiicnayd Xili Ciyaareedkan Hakadka Galay Ee Premier League?

Shaxdan Ayaa Telefishanka Sky Sports u Soo Xushay Kooxdii Ugu Fiicnayd Xili Ciyaareedkan Hakadka Galay Ee Premier League?
Shaxdan Ayaa Telefishanka Sky Sports u Soo Xushay Kooxdii Ugu Fiicnayd Xili Ciyaareedkan Hakadka Galay Ee Premier League?

Telefishanka Sky Sports ayaa soo xushay kooxdii ugu fiicnayd xili ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaana laga waayay xiddigo waaweyn oo la filayay in aanay sinaba kaga maqnaan karin.

Saddexda khabiir ee Peter Smith, Lewin Jones iyo Ron Walker oo ka tirsan telefishanka Sky Sports ayaa soo bandhigay xulashadooda kooxda illaa hadda ugu fiican horyaalka EPL.

Goolhayeyaasha caanka ah ee Alisson Becker, David de Gea Iyo Ederson ayaa gebi ahaantoodba ka maqan kooxdan, waxaana kusoo baxay goolhayaha amaahda kaga maqan Manchester United ee Henderson ooi ka tirsan Sheffield United.

Labada difaac ee ballaha, waxa kusoo baxay Alexander-Arnold iyo Andy Robertson, sidoo kalena Virgil van Dijk ayaa booskiisa xajistay, hase yeeshee waxa aan kasoo muuqanin Harry Maguire iyo Laporte oo ah kuwa ugu qaalisan ee Man United iyo Man City haystaan, waxaana khubaradu ay ka door bideen O’Connell.

Khadka dhexe ayaa si wada jir ah loogu soo xushay saddexda  laacib ee Jordan Henderson, De Bruyne iyo Nadidi, hase yeeshee weerarka ayaanay kasoo muuqanin Sergio Aguero, Rashford, Abraham, Aubameyang iyo weeraryahanno kale oo wanaagsan.

Waxa booska weerarka tooska ah u xoogsaday dhaliyaha Leicester City ee Jamie Vardy, labadiisa dhinacna waxa loosoo xulay Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Telefishanku waxa uu akhristeyaasha ku xidhan shabakaddiisa ka dalbaday weydiiyey inay ku raacsan yihiin xulashadooda, taasi oo fursad u siinaysa qof walba inuu soo xusho shaxda uu rumaysan yahay inay tahay tan ugu fiican.