Home BundesLiga

Shaxdan Ayaa Laga Sameeyey Difaacyada Dhexe Ee Horyaalada Yurub Halkee Kaga Jiraan Sergio Ramos Iyo Virgil Van Dijk?

Shaxdan Ayaa Laga Sameeyey Difaacyada Dhexe Ee Horyaalada Yurub Halkee Kaga Jiraan Sergio Ramos Iyo Virgil Van Dijk?
Shaxdan Ayaa Laga Sameeyey Difaacyada Dhexe Ee Horyaalada Yurub Halkee Kaga Jiraan Sergio Ramos Iyo Virgil Van Dijk?

Waxa wali halkooda kasii socda warbixinada kala duwan ee la qorayo wakhtigan ay maqan tahay kubadda cagtu, Il wareedka Squawka ayaa markan soo saaray shax uu ka sameeyay qaar kamida daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan qaarada Yurub.

Shaxdan oo boosaska qaar ay qosol dhalin karaan ayaa goolhayaha laga dhigay xiddiga Sheffield United ee Phil Jagielka oo isagu booska goolhayaha kulamo ka ciyaaray waayihiisa ciyaareed kaddib kaadh casaan ah oo loo taagay goolhayihii kooxdiisa.

Saddex daafac dhexe oo caadiyan shaxdan loo yeelay ayaa ah Aymeric Laporte oo Manchester City muhiim u ah, Hoggaanka Napoli ee Kalidou Koulibaly iyo dhigiisa Juventus ee Leonardo Bonucci.

Image

Khadka dhexe ee bur-buriyaha ah ee shaxdan ayaa loo doortay Marquinhos oo isagu kulamo aad u tiro badan halkaas uga ciyaaray PSG waxaana garbihiisa taagan David Luiz oo Arsenal ka tirsan lehna calaamadaha khad dhexe iyo Upamecano oo RB Leipzig qayb ka ah.

Mid kamida waxyaabaha kaa yaabin kara ee shaxdan ayaa ah in kabtanka Real ee Sergio Ramos uu booska No.10 ku jiro halka garbaha shaxdan laga dhigay saaxiibkiisa Real ee Raphael Varane iyo Gerard Pique oo Barcelona muhiim u ah.

Booska No.9 oo malaha lagu sifayn karo mid ku adkaan kara daafacyada dhexe ayaa loo xushay Virgil Van Dijk oo Liverpool ka tirsan, Virgil ayaa booskaas dhawr kulan xulkiisa Holland uga ciyaaray daqiiqadaha ugu dambeeya ee marka goolal lagu leeyahay.