Home BundesLiga

Shaxdan Ay Soo Saartay Shabakada Whoscored Ayaa Noqotay Shaxda Mustaqbalka?

Shaxdan Ay Soo Saartay Shabakada Whoscored Ayaa Noqotay Shaxda Mustaqbalka?
Shaxdan Ay Soo Saartay Shabakada Whoscored Ayaa Noqotay Shaxda Mustaqbalka?

Shabakadda WhoScored.com oo muddooyinkan ugu dambeeyay ku mashquulsan xulista shaxo dhinacyo kala duwan laga eegayo oo ku salaysan xilli ciyaareedkan 2019-20 ayaa markan soo xushay shaxda da’yarta ugu wanaagsan shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.

Si guud ahaaneed, Shaxdan ayay awood ku muquuniyeen da’yarta horyaalka Germany ee Bundesliga waxaana ugu badan kooxda Borussia Dortmund oo afar ciyaartoy ku leh.

Ugu horreynba, Goolhayaha shaxdan ayaa ah da’yarka shabaqa masuulka uga ah kooxda ree France ee Reims ee Rajkovic waxaana ka horreeya oo labada daafac dhexe ku midaysan Upamecano oo RB Leipzig ka tirsan iyo Zagadou oo Borussia qayb ka ah.

Garbaha daafaca ee shaxdan ayaa ah laba xiddig oo mustaqbal weyni ka horreeyo waana Achraf Hakimi oo Dortmund wakhti wacan ku qaadanaya iyo 19 sano jirka ree Canada ee Alphonse Davies oo Bayern Munich usoo baxay.

Khadka dhexe ee shaxdan ayaa ah da’yarka Leipzig ee Nkuku oo kooxdiisa ka caawinaya inay u tartanto Bundesliga waxaana la midaysan Martin Odegaard oo Real Sociedad amaah kula jooga balse horyaalka La Liga kasoo iftiimay.

Garbaha shaxdan ayaa ah xiddigaha ree England ee Marcus Rashford iyo Jadon Sancho, Rashford ayaa ahaa hoggaamiyaha Man United kahor intii uusan dhaawacmin halka Sancho uu markale Dortmund dunida ku tusayo waxa uu yahay.

Labada weeraryahan ee shaxdan ayaa ah Kylian Mbappe, Da’yarka Paris Saint-Germain ayaa ah midka dhibcaha ugu badan kusoo galay shaxdan waxaana la midaysan Erling Haaland oo aan wax badan ka dhibco dambayn.