Home League 1

Shaxda Kooxda Paris Saint-Germain Ee Kulanka Kooxda Dortmund Miyuu Ku Jiraa Mbappe?

Shaxda Kooxda Paris Saint-Germain Ee Kulanka Kooxda Dortmund Miyuu Ku Jiraa Mbappe?
Shaxda Kooxda Paris Saint-Germain Ee Kulanka Kooxda Dortmund Miyuu Ku Jiraa Mbappe?

Kooxda ka socota caasimada France ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday liiska xiddigaha kooxdeeda u matalaya kulanka ay caawa soo dhawayn doonto Borussia Dortmund oo kasoo booqanaysa dhinaca Germany.

Kulankan ayaa ah mid lagu ciyaari doono jamaahiir la’aan iyadoo albaabada loo xidhayo gegida Parc des Princes, Hadal haynta ugu badan kahor ciyaartan ayaa ahayd xaalada caafimaad ee da’yarka PSG ee Kylian Mbappe oo aan dhawaanahan fiicnayn.

Mbappe ayaa xalay laga baadhay xanuunka dunida ku faafaya ee Coronavirus kaddib markii uu maalmo kooxdiisa kaga maqnaa cune xanuun balse natiijooyinka baadhitaankiisa ayaa ah kuwo sheegaya inuu bed qabo.

Saacado kahor kulanka caawa, Borussia ayaa ku dhawaaqday liiska xiddigaheeda waxaana kusoo baxay Mbappe oo markii hore aan la hubin haddii uu diyaar u noqon doono.

Image

Liiskan oo ah mid ka kooban 19 ciyaartoy ayuusan kusoo bixin kabtanka kooxdaas ee Thiago Silva iyadoo la sheegay inuusan 100% taam ahayn halka sidoo kale liiskan laga waayay Marco Verratti kaas oo ku maqan ganaax laba kaadh jaale ah.

Ugu dambayn, Kulankan ayaa guul ama geeri ku ah Paris iyo tababaraheeda Thomas Tuchel oo sanadihii ugu dambeeyay ku ceebaysnaa wareega 16-ka ee UEFA Champions League iyagoo hadday caawa hadhaan xilli ciyaareed kale fashilmi doona.