Shaxda Arsenal ee xilli-ciyaareedka soo socda 2020–2021.

Shaxda Arsenal ee xilli-ciyaareedka soo socda 2020–2021.
Shaxda Arsenal ee xilli-ciyaareedka soo socda 2020--2021.

Soo dhowaada akhristayaasha malcab.com gaar ahaan kuwa kooxda gunners maanta waxaynu eegi doonaa sida ay noqon karto shaxda arsenal maalinta ugu horeysa xilli-ciyaareedka soo socda ee 2020-2021, kooxdan reer london ayaa lala xidhiidhinayaa ciyaartoy badan laakiin waxaynu si gaara u eegaynaa laacibiinta ay macquulka tahay inay ku soo biiraan kooxda.

Bartimaameedka kowaad (Target number one)

Arsenal muhiimada waxay siinaysaa sida ula soo wareegi lahayd Thomas partey,Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in kooxda Gunners ay xiiseyneyso inay si rasmi ah ugu dhaqaaqdo 42 milyan oo ginni oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddiga reer Ghana ah, iyadoo ciyaaryahanka qadka dhexe uu naftiisa ka dhigay mid ka mid ah xiddigaha qadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee qaarada Yurub, ka dib dhowr xilli ciyaareed oo aad u wanaagsan oo uu ku qaatay garoonka Wanda Metropolitano. Arsenal muhiimada waxay siinaysaa sida ula soo wareegi lahayd Thomas partey.

Bartimaameedka labaad (Target number 2)

Image result for orkun kokcu

Arsenal ayaa sidoo kale la sheegay inay wadahadalo la furtay orkun kocku waxa la werinayaa inay u soo bandhigeen aduun lacag oo dhan 23 milyan ginni si ay ula soo wareegaan xiddigan ka tirsan kooxda Feyenoord ee horyaalka dalka holland, Daily Mail ayaa qortay in Gunners ay wadahadalo la furtay laacibkan 19 jirka ah kaas oo indhaha kooxo badan oo yurub ka dhisan soo jiitay.

Bartimaameedka saddexaad (Target number 3)

Image result for saliba to arsenal

Kooxda Gunners ayaa xagaagii hore heshiis la gaartay William Saliba waxaanu kooxda ku soo biiri donaa dhowaan isagoo ka iman doona kooxda Saint Etienne, William Saliba ayaa xoojin doona difaaca arsenal.

Bartimaameedka afraad (Target number 4)

Image result for willian

Sida ay ku waramayso war-baahinta sports-ka ee dalka ingiriiska ka soo baxdaa arsenal ayaa diyaar u ah inay laacibka heshiiskiisu dhaaanayo ee willian kala soo wareegaan koodxda chelsea, willain ayaa koox la, aan noqonaya bisha july waxaanu aad u jecelyahay inuu ku sii negaado magaalada london, arsenal ayaa ka faaiidaysn karta xaalada willian, waxaana dhici karta inuu xidho funaada arsenal xilli-ciyaareedka soo socda.

SHAXDA MACQUULKA INAY ARSENAL KU SOO SHIR TAGTO 2020-2021.