Shan Qodob Oo Ku Saabsan Bruno Miguel Borges Fernandes Oo Dhawaan Uun Ku Soo Biiray Kooxda Man United?

Shan Qodob Oo Ku Saabsan Bruno Miguel Borges Fernandes Oo Dhawaan Uun Ku Soo Biiray Kooxda Man United?
Shan Qodob Oo Ku Saabsan Bruno Miguel Borges Fernandes Oo Dhawaan Uun Ku Soo Biiray Kooxda Man United?

Manchester Untied waji cusub ayay yeelatay intii ka dambaysay bishii January ee sannadkan, waxaana mahaddeeda leh saxeexa cusub ee reer Portugal ee Bruno Miguel Borges Fernandes oo ay kasoo iibsatay Sporting Lisbon, isla kulankiisii ugu horreeyeyna laga dareemay Old Trafford saamayntiisa.

United waxay mar horeba kusoo baxday naadiyada loo saadaalinayo inay ku guuleysanayaan tartanka UEFA Europa League oo ay siddeed dhamaadka u gudubtay, sidoo kalena waxay taagan yihiin siddeed dhamaadka FA Cup iyo Premier League oo ay kaalinta shanaad ku jiraan, isla markaana saddex dhibcood oo kaliya ka hoosaysa Chelsea oo afraad fadhida. Haddii Europa League ay wiilasha Solskjaer ku guuleystaan, waxay taas macnaheedu tahay inay si toos ah uga qayb-geli doonaan Champions League xili ciyaareedka dambe, xattaa haddii aanay ka mid noqonin afarta ugu sarreeya horyaalka xili ciyaareedkan.

Bruno Miguel Borges Fernandes waxa bishii February loo doortay xiddiga ugu wanaagsanaa Manchester United, sidoo kalena abaal-marinta bisha ee Premier League ayuu qaatay.

Hoggaamintiisa, tayadiisa iyo fursadaha caqliga ku dhisan ee uu isticmaalayo, waxay maalin walba oo uu ciyaaro reebaan hadal-hayn laga sii sheekeeyo toddobaad dhan, waxase la is weydiinayaa sida ay Red Devils noqon doonto marka ay usoo laabtaan Paul Pogba iyo Marcus Rashford.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shan arrimood oo laga yaabo in aanad ogeyn oo ku saabsan xiddiga reer Portugal ee lambarka 18-ka xidhan.

Xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Novara ee Serie B, waxa xiddiga reer Portugal dareenkooda siinayay kooxo waaweyn oo ay ka mid yihiin Juventus iyo Inter Milan oo muujiyey inay doonayaan, waxaana lagu naanaysi jiray Maradona of Novara, ereyadaasna waxa adeegsaday warbaahinta qaarkeed. Kaddib waxa uu go’aansaday inuu ku biiro Udinese oo uu xiddigaheeda ka mid ahaa ruug-caddaaga caanka ah ee Antonio Di Natale.

Waxa uu Di Natale la yaabay tayada ciyaareed ee ku jirta iyo xirfaddiisa, waxaanu daqiiqad kasta ka caawin jiray sidii uu ula qabsan lahaa kubadda Talyaaniga ee uu usii kordhin lahaa xirfaddiisa ciyaareed, waxaanu siin jiray talooyin iyo waanooyin, iyadoo uu u tilmaami jiray waxyaabaha qarkood oo uu samayntooda ku dedaalo. Di Natale waxa uu sannadihii ay wada joogeen uu ka caawiyey inuu helo kalsooni ka badan ciyaartoyda kale, taas oo ah midda xilligan ka dhigtay libaaxa Old Trafford.

Sawirrada ay ciyaartoydu jidhkooda ku sameeyaan waxay iska noqdeen wax caadi ah muddooyinka dambe, waxaana samaysay ciyaartooyo badan sida Lionel Messi, hase yeeshee Cristiano Ronaldo ayaa ku jira ciyaartoyda jidhkooda ka ilaaliyey waxyaabaha noocaas ah.

Bruno Fernandes waxa ku sawiran jihdkiisa lambarka 8 iyo xarafka ‘F’. Ereyga F waxa uu u taagan yahay xarafka uu ka bilaabmo magaca qoyskoodu ee Fernandes, lambarkuna waxa uu ka turjumayaa arrimo muhiim ka ah noloshiisa, taas oo aanay cid waliba ogeyn.

Xiddiga reer Portugal waxa uu dhashay 8-dii September, 1994-kii. Waxa uu Sporting Lisbon u xidhan jiray No. 8, guulo badanna wuu gaadhay intii uu lambarkaas xidhnaa. Aabihii oo ciyaartoy ahaan jiray ayaa sidoo kale xidhan jiray No. 8, waana tiro muhiim u ah isaga iyo qoyskiisa oo aabbihiina uu aad u jeclaa.

Markii uu Fernandes ku biiray Sporting Lisbon xagaagii 2017, waxa la filayey inuu isku muujin doono, sababtoo ah waxa daliil u ahaa guulihii uu kasoo gaadhay Talyaaniga. Si kastaba, laacibka reer Portugal waxa uu ku bilaabay bandhig cajiib ah, isagoo afar gool dhaliyey shantiisii ciyaarood ee ugu horreeyey.

Xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey waxa uu dhaliyey 16 gool iyo 12 gool oo uu caawiyey 56 kulan oo uu saftay, waxaana dhamaadkii xili ciyaareedka amaba July 2018 loo magacaabay xiddiga horyaalka Portugal ee Primera Liga.

Xili ciyaareedkiisii labaad, waxa uu dheelay 53 ciyaarood, waxaanu dhaliyey 32 gool iyo 18 caawimood, waxaanay taasi layaab ku noqotay xattaa weeraryahannadii oo gaadhi kari waayay gool-dhalintiisa, waxaana mar kale loo magacaabay xiddiga sannadka.

Xagaaga sannadkii 2012 ayuu ku biiray Novara Calcio iyadoo ay da’diisu yar tahay, waxaanu ku biiray ciyaartoyda kulliyadda da’yarta oo markiiba uu kasoo dallacay. Qayb ka mid ah xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee 2012/13, waxa uu ka mid ahaa kooxda koowaad, iyadoo uu ka caawiyey in naadigiisu uu soo galo kaalinta shanaad. Waxa uu usii dhaafay kooxda horyaalka Serie A ee Udinese oo uu sannadkii xigay u dheelay. Fernandes waxa uu Stadio Friuli ka ciyaaray saddex sannadood oo uu u saftay 95 kulan oo uu ku dhaliyey 11 gool.

August 2016, ayaa uu amaah ugu wareegay kooxda Sampdoria, waxaana heshiiskaas ku jiray qodob siinaya kooxda Talyaaniga inay heshiis rasmi ah u beddeli karayso amaahda. Waxa uu La Samp u ciyaaray 35 kulan oo Serie A ah, waxaanu u dhaliyey shan gool.

Laakiin kooxda Talyaanigu, waxay qaadatay go’aan qaldan waxaanay iska diiday inay amaahdii ku beddesho heshisi rasmi ah, waxaan ka faa’iidaysatay kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon oo sannadkii xigay qaadatay. 119 ciyaarood oo isku-geyn uu afartii sannadood ee Serie A uu ka ciyaaray, waxa uu dhaliyey 15 gool.

Xaqiiqada nololeed ee Bruno Fernandes, waxay ku dhisan tahay farxad iyo jacayl. Waxa garabkiisa taagan gacalisadiisii xilligii dugsiga waxbarashada oo ugu dambayntii uu guursaday. Dadka sida fiican u yaqaana, waxay sheegaan inuu yahay qof ku wanaagsan jilista jacaylka, laakiin aan guurguurka iyo socodka badan ee dhinaca dumarka ku wanaagsanayn.

Fernandes waxa uu Ana Pinho la kulmay xilligii dugsiga ay dhiganayeen iyadoo ay da’doodu ahayd 16 jir.

Jamaahiirta Manchester United markii ay soo dhoweynayeen Fernandes, waxay ku heesayeen magaca Ana, waana arrin ay kaga farxinayeen isaga maadaama ay jacaylkiisa tahay. Waxay gabadhani qayb weyn kasoo qaadatay noloshiisa, gaar ahaan xilliyadii uu joogay Talyaaniga oo ay ku adkaatay inuu la qabsado nolosha waddankaas.

December 2017 ayay saaxiibtinimadii iyo jacaylkii carruurnimada guud u beddaleen, canugoodii u horreeyeyna waxa uu u dhashay January 2017.