Home LA LIGA

Shakhsiga Ku Dhex Sugan Kooxda Barcelona Ayaa Laga Soo Xigtay Xogta Ku Saabsan Midka Ay Barcelona Doorbidayso Lautaro Martinez Iyo Neymar JR?

Shakhsiga Ku Dhex Sugan Kooxda Barcelona Ayaa Laga Soo Xigtay Xogta Ku Saabsan Midka Ay Barcelona Doorbidayso Lautaro Martinez Iyo Neymar JR?

Shaqsi ku dhex sugan kooxda Barcelona ayaa laga soo xigtay go’aanka kooxdaasi ay ka gaadhay xiddigaha bar-tilmaameedka u ah ee Neymar JR oo ka tirsan Paris Saint-Germain iyo Lautaro Martinez oo Inter Milan qayb ka ah.

Sida lagu sheegay wargeyska reer Catalonia ee L’Esportiu, Barcelona ayaan suuqa xagaagan u dhaqaaqi doonin dhinaca xiddigii kooxdeeda ka baxay ku dhawaad saddex sano ka hor ee Neymar.

Shaqsigan L’Esportiu ugu sugan gudaha Camp Nou ee warkan laga helay ayaa sheegay in saxeexa Neymar uu yahay mid aysan Barcelona awoodin isla markaana uu isagu ku sharad tami lahaa in haddii ay labadooda noqoto ay Barca u dhaqaaqayso dhinaca Lautaro Martinez.

Ishan uu xogta ka helay wargeysku ayaa tidhi “Way cadahay waxaanu jeclaan lahayn inaanu la saxeexano Neymar laakiin waa inaanu noqono kuwo xaqiiqo ah soo laabashadiisa xagaaganina muuqaal ahaan waa mid aan suurogalayn”

“Anigu waxaan in badan ku sharadtami lahaa saxeexa Lautaro marka lala bar-bardhigo soo laabashada Neymar, soo laabashada Neymar waxay u muuqataa sida mala-awaal dhammaystiran”

Shaqsigan oo sharaxay sababta uu saxeexa Lautaro uga haboon yahay midka Neymar ayaa sheegay in mushaharka Neymar uu yahay mid sarreeya oo aan macquul ahayn.

“Haddii ay waajib nagu noqotay inaanu si weyn hoos ugu dhigno mushaharka kooxda koowaad, sidee ayaad u dooni kartaa in Neymar yimaado, ciyaaryahan uu mushaharkiisu ka badan yahay 30 Milyan oo euro xilli ciyaareedkii? macquul maaha”