Shabakada Transfermarkt Ayaa Qortay Ciyaartoyga Ugu Fiican Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub Xili Ciyaareedkan?

Shabakada Transfermarkt Ayaa Qortay Ciyaartoyga Ugu Fiican Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub Xili Ciyaareedkan?

Xili ciyaareedka 2019/2020 ayaa ku sii dhawaanaya qaybihii ugu danbeeyay ee wax badan lagu go’aamin doono, waxaana xili ciyaareedkan jiray xidigo badan oo si wayn isku soo muujiyay.

Liverpool waxay haddaba meel sii dhigatay koobka Premier league, Juventus iyo Paris Saint-Germain waxay diyaar u yihiin in ay markale difaacdaan koobabka horyaalada ay ka tirsan yihiin laakiin horyaalka La Liga ayaa ah kan ugu adag ee aan ilaa hadda la saadaalin karin iyada oo Bayern Munich si gaabis ah ugu sii socotay in ay maamulkeedii Bundesliga sii wadan karto.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa daraasad dhinaca suuqa kala iibsiga ah oo lagu sameeyay ciyaartoyda uu qiimahooda suuqa kala iibsigu inta ugu badan sare u kacay xili ciyaareedkan sababtoo ah qaab ciyaareedkii ay sameeyeen dartii.

Shabakada Caanka ah ee  Transfermarkt oo dalka Germany laga leeyahay isla markaana xogta suuqa kala iibsiga ee qiimaha ciyaartoyda looga danbeeyo ayaa soo saartay xidigaha uu qiimahoodu inta ugu badan sare u kacay xili ciyaareedkan.

Caadiyan qiimaha suuqa ee ciyaartoyda ee dhabta ah iyo kan ay kooxuhu ku doonaan ayaa kala duwan, waxaanad ogaataa in xogta qiimaynta suuqa ee aanu halkan idiinku soo gudbinay ay tahay qiimaha suuqa ee ciyaartoyda ee dhabta ah oo aan ku salaysnayn qiimaha ay kooxaha iska leh ciyaartoydani u arkaan.

Da’yarka xili ciyaareedkan mucjisada soo dhigay ee Erling Haaland oo hadda ka tirsan kooxda Borussia Dortmund ayaa noqday xidiga qiimihiisa suuqa kala iibsigu uu si layaableh sare ugu kacay xili ciyaareedkan.

Haaland oo wacdaro aan la qiyaasi karin ka soo sameeyay garoomada Yurub ayaa bilawgii xili ciyaareedkan waxa uu qiimihiisu ahaa 4.5 milyan gini oo kaliya laakiin hadda waxa uu ku qiimaysan yahay 54 milyan inkasta oo Dortmund ay lacag aad uga badan dul dhigi doonto haddii ay dalabyo u hesho.

Bal qiyaas ciyaartoy da’yar ah oo bilawgii xili ciyaareedka ku qiimaysnaa lacagta aan soo sheegnay isla markaana xili ciyaareedka oo aan dhamaan qiimihiisu noqday mid ka qaalisan ciyaartoy badan oo magac wayn leh.

Xidiga kooxda Inter Milan ee Lautaro Martínez oo ay ku dagaalamayaan Barcelona iyo Real Madrid ayaa noqday xidiga labaad ee xili ciyaareedkan qiimihiisu sida wayn sare ugu kacay.

Bilawgii xili ciyaareedkan waxaa xidiga reer Argentina ee Lautaro Martínez lagu qiimaynayay 27 milyan gini laakiin hadda qiimaha suuqa ee xidigan ayaa lagu sheegay 72 milyan gini balse Inter Milan ayaa lacagtan kala hayn wayn waxayna u arkaan mid ka sareeya 100 milyan gini.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobnay dhamaan 15ka ciyaartoy ee inta ugu badan qiimahooda suuqu sare u kacay xili ciyaareedkan, waxaanad halkan ku arki kartaa qiimihii bilawgii xili ciyaareedkan iyo qiimaha ay hadda suuqa ka joogaan.

Liiska qiimayntan halkan ka akhriso.

15. Alphonso Davies | Bayern Munich

Qimihiisii hore: £9.0 million

Qiimaha Hadda: £36.0 million

14. Ferran Torres | Valencia

Qimihiisii hore:: £18.0 million

Qiimaha Hadda: £45.0 million

13. Tammy Abraham | Chelsea

Qimihiisii hore: £18.0 million

Qiimaha Hadda: £45.0 million

12. Trent Alexander-Arnold | Liverpool

Qimihiisii hore: £72.0 million

Qiimaha Hadda: £99.0 million 

11. Sadio Mane | Liverpool

Qimihiisii hore: £108.0 million

Qiimaha Hadda: £135.0 million

10. Renan Lodi | Atletico Madrid

Qimihiisii hore: £3.6 million

Qiimaha Hadda: £31.5 million

9. Eduardo Camavinga | Rennes

Qimihiisii hore: £3.6 million

Qiimaha Hadda: £31.5 million

8. Mason Greenwood | Manchester United

Qimihiisii hore: £0 million

Qiimaha Hadda: £28.8 million

7. Mason Mount | Chelsea

Qimihiisii hore: £10.8 million

Qiimaha Hadda: £40.5 million

6. Dejan Kulusevski | Parma

Qimihiisii hore: £0.9 million

Qiimaha Hadda: £31.5 million

5. Martin Odegaard | Real Sociedad

Qimihiisii hore: £13.5 million

Qiimaha Hadda: £45.0 million

4. Ansu Fati | Barcelona

Qimihiisii hore: £0 million

Qiimaha Hadda: £36.0 million

3. Federico Valverde | Real Madrid

Qimihiisii hore: £18.0 million

Qiimaha Hadda: £54.0 million

2. Lautaro Martínez | Inter Milan

Qimihiisii hore: £27.0 million

Qiimaha Hadda: £72.0 million

1. Erling Haaland | Borussia Dortmund

Qimihiisii hore: £4.5 million

Qiimaha Hadda: £54.0 million