Home Premier League

Santi Cazorla Ma Noqon Doonaa Badalka Pierre-Emerick Aubameyang Oo Kooxda Arsenal Ka Sii Socda?

Santi Cazorla Ma Noqon Doonaa Badalka Pierre-Emerick Aubameyang Oo Kooxda Arsenal Ka Sii Socda?
Santi Cazorla Ma Noqon Doonaa Badalka Pierre-Emerick Aubameyang Oo Kooxda Arsenal Ka Sii Socda?

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto xiddigeedii hore ee Santi Cazorla iyaga oo doonaya in ay ku soo celiyaan kooxda uu uu ka tagay sanadkii 2018.

Xiddiga Khadka dhexe ayaa ka tagay Arsenal xagaagii 2018 kadib markii uu dhamaaday heshiiskisu waxana uu ku biiray kooxda Villarreal kadib markii uu dhaawacyo ugu ciyaari waayay Gunners.

Cazorla ayaa dhaawacyo ku dhibaatooday si uu ugu ciyaaro Arsenal isaga ugu dambayn isaga tagay markii uu dhacay heshiiskiis uu kula jiray kooxda.

Wargayska football.london ayaa sheegaya in ay Arsenal haatanba wadahadalo kula jirto xiddiga Cazorla iyaga oo doonaya in ay ka qayb dhigaan shaqaalaha tababare Mikel Arteta.

Santi Cazorla ayaa xiddig xor ah noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay Arsenal doonaysaa in uu xagaaga ku soo biiro kooxda Arsenal si uu uga qayb noqdo shaqaalaha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe.